Sign in to follow this  
Deeq A.

Tababar Loo Qabtay Hawl-wadeennada Saadaasha Ee Wasaaradda Beeraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Tababar Loo Qabtay Hawl-wadeennada Saadaasha Ee Wasaaradda Beeraha
IMG-20231013-WA0003.jpg
Boorama (Qaran news) – Magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal, ayaa Tababbar loogu soo gebogabeeyay hawl-wadeenada Saadaasha Hawada ee gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Hawl-wadeennada saadaasha hawada ee gobollada iyo degmooyinka dalka, ayaa Wasaaradda Horumarinta Beeruhu waxay Tababbar socday laba Maalmood ugu qabatay Magaalada Boorama.

Tababbarkan ayaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda la xidhiidha la socodka cimilada iyo isbeddellada dhaca, sida Dayrta ay keentay ‘Elnino’, taasi oo u baahan ka war qab iyo feejiganan dheeri ah.

Hawl-wadeennada saadaasha hawada ee Wasaaradda Beeraha, ayaa waxa si qoto dheer loogu sii tababbray dayactirka iyo ilaalinta qalabka saadaasha iyo App-ka digniinaha oo ka caawinaya sidii wakhti hore loo heli lahaa xogta ka soo korodha cimillada deegaanka.

Tababbarkan waxa bixiyey Khuburrhada Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ee qaabilsan Saadaasha Hawada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this