Sign in to follow this  
Deeq A.

Wareysi: Sheekh Bashiir oo shaaciyey go’aano culus oo culimadu ku gaartay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   
Sheekh-Bashiir.jpeg?fit=960%2C640&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa bayaan ay soo sareen ku sheegay inay u istaagayaan dib heshiisiinta qabaa’ilka iyo xal u helidda colaadaha ka jira gobollada qaar.

Culimada shirtay ayaa bayaankooda ku sheegay inay u istaageen dardar galinta doorka ay wadaaddada diinta ku leeyihiin arrimaha dib u heshiisiinta.

Culimada ayaa sheegay in tallaabooyin badan ay qaadeen kadib markii ay kordheen dilalka ka dhasha colaadaha iyo aanooyinka qabiillada oo gaartay heer carruurta iyo arday jaamacadaha dhigta la iska dilo.

Colaadaha qabaa’illada ayaa ahaa kuwo muddo dheer kasoo jiray Soomaaliya dhexdeeda, haddaba maxaa keenay wadaaddada diinta inay xilligaan ku baraarugaan, waxaa la weydiiyey Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Idaacadda VOA.

“Culimadu waxay go’aansatay in la dhiso hey’ad ka shaqeysa dib u heshiisiinta, dhismaha hey’adaas guddi ayaan u saarnay, waxyaabaha ay dadku isku qabsadaan oo inta badan gacan ka hadalka keena, waxaan ka samey doonaa wacyi gelin iyo talooyin dardaaran ah,” ayuu yiri.

Sheekh Bashiir oo ka mid ah culimadii shirka ka qeyb-gashay ayaa ku jawaabay in hadda ay culimadu rumeysatay in dadka Soomaaliyeed ee qabaa’ilka ah uu gacanta u galay hub badan, taasina ay sababi karto in colaaduhu sii kordhaan.

“Waxaa hadda meelo badan ka dhacaya dagaaladii qabaa’ilka Soomaalida u dhaxeeyey, markaan ogaanay in aanooyinkii qabiilka ay sii badanayaan waxaan isugu imaanay in wax la iska dhaho arrintaan, si aan gacan uga geysano joojinta dhiigga qubanaya,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

“Waxaa soo dhordhay dhaqan aan Soomaalida looga baran, waxaa is gumaadaya beelihii Soomaalida, dadka in la wacdiyo ayaa naga go’an waana waajib na saaran, dad badan oo waxgarad ah ayaan la hadalnay, in cadaaladda la hor geeyo qofkii dhib geysta ayaan ku baraarujinay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Bashiir.

Hoos ka dhageyso

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/10/01000000-c0a8-0242-6747-08dbcba4ea73_16k.mp3The post Wareysi: Sheekh Bashiir oo shaaciyey go’aano culus oo culimadu ku gaartay Nairobi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this