Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1697188002092.jpg?resize=720%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamse Cabdi Barre, iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare mudane Cabdillaahi Cali Xirsi ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Aw-cali.

Hoggaamiyaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada SSC Khaatuma ka Siiyay Madaxweynaha JFS, Isagoo la wadaagay Madaxda heer Federaal  hiigsiga, aragtida iyo qorshaha dadka deegaannadaas iyo caqabadaha nololeed ee ka dhashay dagaalkii ay Soomalilaan ku soo qaadday SSC-Khaatumo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in bulshada ku dhaqan deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo maanta looga baahan yahay in ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho iyo xasilloonida deegaannaadaas.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha casuumaddii Qiimaha Badnayd iyo Soo dhawayntii diirranayd ee Caasimadda loogu sameeyay, sidoo kalana bogaadiyay sida DFS ay diyaarka ugu tahay garab istaagga dadka reer SSC-Khaatumo.

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this