Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamuud Xaashi oo uga Digay Soomaaliya in Colaada Sool ay Saameyso Mandaqada oo dhan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamuud Xaashi oo uga Digay Soomaaliya in Colaada Sool ay Saameyso Mandaqada oo dhan

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH, Maxamuyd Xaashi Cabdi ayaa sheegay in Sool clan ay Somaliland heshiis kula ahaayeen beelaha kale oo wada jir loo dhistay.

Maxamuud Xaashi wuxuu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh aanay ku kadsoomin calankii Buluuga ahaa ee lagù ruxayay Laascaanood, hase ahaatee si odaytinimo leh dhex uga noqday.

Waxa kaloo uu uga digay Dawladda Soomaaliya in aanu socdaalka hoggaamiyaha SSC ku tagay Muqdisho aansy colaad hor leh ka abuurin mandaqada.

Sidoo kale siyaasi Maxamuud Xaashi wuxuu intaas ku daray in SSC ay u taagan tahay Sool, Sanaag iyo Cayn, deegaannadaasina ay dhammaantood yihiin qaar la wada degan yahay oo aanu maamul aan ka ahayn Somaliland ka samaysmi karin, wuxuuna caddeeyay in arrintaasi haddii ay dhacdo deegaanno badan oo ay ka mud yihiin deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Juba Land ay ku kala guran doonaan Dir iyo Daaroodka wada degani.

Maxamuud Xaashi wuxuu maamulka huwanta Laascaanood u soo jeediyay in aanay dagaalka isku ballaadhin, isagoo ka waaniyay inay ka joogsadaan colaada ay huwantu ka hurinayso magaalada Qorilugud oo haddii dagaal ka dhaco uu isku beddeli doono inay dagaalka si buxda u galaan beelaha Isaaq iyo Gadabuursi oo aan hore dagaalka u galin kuna koobnaa uun dawladda Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this