Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   
131369712_israel_explainer_map_640-nc-2x

Israa’iil ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto go’doominta Gaza illaa laga sii daynayo maxaabiista.

Israa’iil ayaa sheegtay inaanay dhimi doonin duqaymaha ay ka geysanayso dhulka ay maamulaan Xamaas, illaa ay kooxdaasi sii daynayso dadkii ay soo qafaasheen oo lagu qiyaasayo illaa 150 qof.

Wasiirka tamarta ee Israa’iil Katz ayaa shaaciyay inaan wax koronto laga daari doonin, wax biyo ah loo sii dayn doonin, isla markaana aan loo ogolaan doonin in gaadiidka shidaalka sidaa ay galaan, illaa laga sii daynayo dadka laga afduubtay gudaha Israa’iil. 

Israa’iil ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso hawlgal dhinaca dhulka ah, hase ahaatee may sheegin xilli rasmi ah. Waxaana masuuliyiinta Israa’iil ay sheegayaan inay xuduuda Gaza ku diyaariyeen illaa 300,000 oo ka mida ciidamada kaydka ah.

Qaramada Midoobay ayaa dhinaceeda sheegaysa in 340,000 oo qof oo Falastiiniyiin ahi inay ka barakaceen guryahooda ku yaalla Gaza, halkaas oo in ka badan 70% ka mid ahi ay gabbaad ka dhiganayaan dugsiyada Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka Falastiiniyiinta iyo Israa’iil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this