Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland oo Dawladaha Hoose ka Maroorsatay Maamulka Dhulka Danta Guud

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Somaliland oo Dawladaha Hoose ka Maroorsatay Maamulka Dhulka Danta Guud

Hargeysa(Qaran news)- Wareegto ay soo saartay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta horaantii bishan ku sheegtay inay dawladaha hoose ee dalka kala wareegtay bixinta dhulka danta guud, sharciyaynta,nashqadeynta iyo maamulka dhulka danta guud.

Wareegtadan waxa kaloo sii xoojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo wareegto uu soo saaray Guddoomiyeyaasha gobollada ku faray in ay fuliyaan digreetada Wasaaradda Hawlaha Guud ay dhulka danta guud kagala wareegayso Dawladaha Hoose oo qorshaynta iyo bixinta dhulka danta guud awood buuxda u lahaa.

Arrintan ayaa ka dhigan in Xukuumaddu ay mijo-xaabinayso dawladaha hoose ee dalka oo ay ka maroorsatay shaqadoodii.

Sidoo kale ma jiro Maayar kaliya oo weli ka hadlay tallaabada xukuumadda dhexe. Waxase la sheegay inay arrintaas ku jiraan guddi Nadaxweynuhu magacaabay oo uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenku oo ka garnaqi doona arrintaas ay isku khilaafsan yihiin Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dawladaha Hoose.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay usa soo tarayso walaaca laga qabo boobka dhulka iyo guryaha danta guud ee Xukuumadda Muuse Biixi wado xilligan kala guurka ah ee loo diyaar garoobayo doorashoiyinka isa saarka ah ee Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda oo muddaysan 13ka November 2024.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this