Deeq A. Posted October 12, 2023 Dhulkeena Nimcaa Fadhida. Rag Murti-Maal ah baa laga hayaa waa Maadays Dunidu Dadkuna way matalayaa!, Aduunyada nin noolow Maxaa aragti kuu laaban, Ruuxba waayihiisaa ileen meel ku Waabay, ee miyaan kuu waramay weli? May ee iiwad sheekada? Bal Ana Waayaha Saddex baan kahayaa, oo Saddexda Mid Waan soo Dul Fadhiistay, Midna waan soo Dul joogsaday Midna waa igu Maqal. MID WAAN SOO DUL FADHIISTAY:- Beri aanu tagney Siyaarada Sheekha Maydh yaala, ayaa Maalin qabriga Sheekha (illaahau haw naxariistee) aanu booqanay, markii qudbiga Sheekha kasoo baxnay ayaa nala geeyey geed qudbiga dacal kiisa ku yaala oo u dhow xabaalo ilma sheekh ku aasanyihiin, Geedka waxa hoos yaala Dhagax ay dadku rumaysan yihiin in uu Burji Dabiib leeyahay oo uu Bogsiiyo xanuunada, Dhagaxaas oo ah Dhagaxii Sheekha ganbadhka u ahaa ee uu ku fadhiisan jiray marka uu quraanka dhigaayo, sidoo kalana uu ku dul joogsan jiray maalinta Jimcaha ah Markuu qudbada Salaada jimce marinaayo, markii Sheekha xaqu u yimidna waxa laga dhigay goobta looxyada quraanka lagu dhigto khadka lagaga maydho, sikastaba ha ahaatee wakhtiyadii danbe Dhagax wax lagu dabiibo ayuu noqday oo Dadka meesha ku xanuunaysa dhagaxa Saar ayaa la odhanaayey, way ku Bogsanaysaaye, Maalintaa Dhagaxa aanu tagnay Meelba imay xanuunahay oo meel u baahan in aan Dhagaxa saaro jidhkayga waan ka waayey, Maalintii danbe ayey calooshu aad ii xanuuntay oo aad lay casiray, markaasaan idhi Dhagaxii igeeya calooshaa aad ii xanuunaysee, intii aanu Dhagaxii kusii soconay ayaan Turrunturooday oo dhagax jidka agyaalay Ruuga aan ku dhuftay oo Ruugiiba I wareegay, aniga oo xanuun ba’ani I hayo oo kor laysido ayaa Dhagaxii lay kor saaray, oo laygu Jiifiyey oo Bogga iyo beerka laysaaray oo laygu Jilbo joojiyey oo sikastaba jidhkayga loogu dul beegay, se kaarkii iyo xanuunkii igama jarin, aniga oo xanuun la baaxaa degaaya oo kolba barbar laygu rogrogaayo oo lay Dul Fadhiisinaayo Dhagaxii ayuu oday dadkii Siyaarada yimid ahaa yidhi Waar yarka Dhagaxa ka kor qaada oo Dhakhtarka Ceerigaabo Geeya!. MIDNA WAAN SOO DUL JOOGSADAY:- Magaalada Qadiimka ah ee Aw-barkhadle, Qudbiga Xawaalka Aw-Yuusuf ama Aw-barkhadle waxa dacalkiisa yaala Dhagax uu Aw-Yuusuf ku fadhiisan jiray marka uu Quraanka dhigaayo waana Dhagaxii ganbadhka u ahaa Markuu Alif-la-kor-***** iyo hingaada uu dhigaayey, sidoo kale Tabtii sheekha Maydh yaala ayuu salaada jimce uu Rako uu ku istaago oo uu qudbada ka jeediyo u ahaa, Waxa dhacday Jimce-Barkhadle anakoo joognaa Aw-barkhadle ayuu sawaxan iyo Muran kasoo yeedhay meeshii dhagaxu ahaa, markii aanu tagnay meeshii waaba dumar door ah oo Afo Dhagax ku dul fadhida hiif iyo qaylo isku raacinaaya oo leh Dhagaxa miyey ka dul baxday ilaa maantay salka ku haysay iyo Naa nooga kac aanu markayaga ku fadhiisanee!, nin sawaxanka soo raacay ayaa yidhi siyaaradii sheekha ayeynu joognaaye Dumarow hays dagaalina, say Haweenay dumarkii meesha ku Xoonsanaa ahi tidhi, Gabadhan Dhagaxa ku dul gamaday ka kiciya!, Saan nin oday ah oo barbarkayga taagnaa oo dadkii Siyaarada joogay ee sawaxanka sooraacay ah aan idhi Adeer dhagaxan dumarku isku haystaan waa maxay?, Suuyidhi waa Dhagaxii ay ku baxday (WALEE RUBAD BAANAD WIIL KU DHALIN), Saan idhi adeer siduu dhagax Dhalaan u bixinayaa? Suu yidhi Bal adba!. MIDNA WAA IGU MAQAL:- Waxa layidhi Madaxtooyada Jamhuuriyada Barakaysan waxa yaala Dhagax layidhaahdo Dhagax-Fayaan ama Dhagax-Hallaasi, waxa Madaxtooyada lagasoo wariyey in kursiga Mudane Muuse ku fadhiisto Rako dhagax la saaro hoosta ku leeyahay, Dhagaxaa ciddii ku fadhiisata oo kaliya maahee ciddii u dhawaata Fayaan faraxle ayaa saaqaya oo wax walba waxay ugu muuqanayaan wax quman oo Daadax iyo kaalay arag ah!, Dumarku markay agtagaan hadayna durbaan sidan Miisaska, kuraasta iyo wax kastoo sanqad sameynaaya oo meesha ka agdhow ayey inta ay garaacaan ayey hees, mashxarad iyo sacab ku daraan, Marka Muuse meel Booqanaayana waa looqaadaa, sida qudbad sanadeedka uu Golayaasha ka jeediyo, oo waata Maalintaa Golaha Baarlamaanku noqdo Meel Maarajaan ka socdo oo kale!, Bal eeg aduunka waligaa ku arkimaysid kana maqlimaysid gole Baarlamaan oo Mashxarad, Durbaan, Sacab iyo Heeso ka baxayaan aan Baarlamaanka Jamhuuriyada Barakaysan ahayn siiba maalinta Muuse booqdo!, aniga oo yaaban ayaan masuul ka ag dhow Madaxtooyada ayaan weydiiyey in Muuse Dhagax-Fayaan ama Dhagax-Hallaasi ku fadhiyo, wuxuu yidhi si hubaaltinimo ah Waa jiraa Dhagaxaasu!, waaban yaabaayey oo Waxaan islahaa Mudane Muuse muxuu Gobalka Sool ee goostay uga Hadli waayey, ee Gobalka Togdheer ee Dhiiga sokeeye ku qubtay uga hadli waayey, ee Gobalka Saaxil ee jabhadu Buurta ka soo degtay uga hadli waayey, ee Gobolka Sanaag ee Rasaastu kadhacayso haday tahay reeraha Walaalaha ah ee reer Ceel-afweyn ama ta Ceerigaabo hubka lakeenay laga ridaaya uga Hadli waayey, ee Hargeysa oo Caasimadii qaranka ah Dhagaxa iyo Rasaasta ka dhacaysa boobka danyarta iyo xaraashka danta guud uga hadli waayey, oo Guuxa Awdal intaanu sida fulkaanaha uqarxin waxay tabanayaan uu ugala hadli waayey?. Mise Muuse waa nin Dhagax-Fayaan ku fadhiya oo Durbaano, Sacab, Mashxarad, Hees iyo Dhulkeena Nimcaa Fadhida ay u baxayso!. Balaayo Madax laqabto mooyee, Mijo la qabto malaha. Khadar Hooyoley (Fartaag) Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites