Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan iyo Xamza oo bilaabay olole cusub, una shubay dhiig…

Recommended Posts

Deeq A.   
391583189_789480849885190_74513960803456

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kasoo laabtay safarkii uu dhowaan ku tegay dalka Eritrea ayaa maanta bilaabay olole cusub oo la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo uu wehlinayo ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay olalahaasi oo dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Dhiigga loo shubayo ciidanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay in loo dhigayo bangiga keydka, waxaana kulankaan maanta soo abaabuulay dhalinyaro Soomaaliyeed oo qayb ka ah kacdoonka cirib-tirka kooxaha Khawaarijta ah.

Dagaalka Shabaab ee dalka ka socda ayaa waxaa ku baxay saraakiil iyo askar, halka ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ciidamada huwanta, wuxuuna ololahan door muhiim ah ka ciyaari doona badbaadinta dhaawaca ciidankeenna geesiyaasha.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah ayaa waxa lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda, ayada oo looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

391688106_789480946551847_63765502449959

391583189_789480849885190_74513960803456

391678998_789480873218521_15264191142896

387096289_789480909885184_71192167609097

391680632_789480816551860_79883714146544

The post Sawirro: Xasan iyo Xamza oo bilaabay olole cusub, una shubay dhiig… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this