Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda sare ee dalka oo shacabka u diray farriin ku aadan…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Aadan-Madoobe-Xamza.jpeg?fit=2048%

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda sare ee dalka oo ugu horreeyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, wasiirka gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadden xuska maalinta calanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii tilmaamay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay maalintii ugu horreysay ee la taagay calamka 12 Oktoobar sanadkii 1954-tii, kaas oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Calanka u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Maanta waxaan u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay duullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo cadowga Khawaarijta ee u diiddan nabadda iyo horumarka, isla markaana ka soo horjeeda jiritaanka bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhankiisa sheegay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay maalintii ugu horreysay ee la taagay calanka 12-ka Oktoobar sanadkii 1954-tii.

“Waxaan maanta u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay duullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madobe ayaa isaguna shacabka Soomaaliyeed u diray dhambaal ku saabsan xuska maalinta calanka, isaga oo tilmaamay muhiimada calanka uu leeyahay.

Waxa uu sheegay inuu yahay astaan ka turjumaysa jiritaanka Qarannimada dalka, midnimada iyo wadajirka shacabka ku nool dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina wuxuu bulshada Soomaaliyeed ku baraarujiyay in la xusuusto maalintan qiimaha badan ee dalkeenna uu leeyahay.

The post Madaxda sare ee dalka oo shacabka u diray farriin ku aadan… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this