Deeq A. Posted October 12, 2023 Iibka Xoolaha ee Saylada Hargeysa oo sare u Kacay Hargeysa(Qaran news)-Iibka xoolaha ee Saylada Xoolaha ee magaaladda Hargeysa ayaa maraya halkii u saraysay, iyada oo dhoofka xooluhu si xawli ah uga socdo dekedda magaaladda Berbera. Qaar kamid ah shacabka ka ganacsada iibka xoolaha ee Sayladda magaaladda Hargeysa oo u waramaayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qiimaha ugu sareeya ee maanta xooluhu uu maraayo 110 Dollar,iyada oo neefka ugu hooseeyaana maraayo 670,000 lacagta Somaliland ah. Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xubno ka tirsan wakiillada shirkaddaha ka ganacsada xoolaha oo sheegay in iibka xooluhu uu si fiican uga soconaayo saylada xoolaha ee magaaladda Hargeysa,waxaanay cadeeyeen in xalay uu baxay Markab siday xoolo,halka uu caawana markab kale baxaayo,kuwaas oo sida xoolo. Dadka ka ganacsada xoolaha ayaa sheegay in xoolaha laga iibsanayo Saylada magaaladda Hargeysa ay isugu jiraan qaar dibadda loo dhoofinaayo iyo kuwa magaaladda Hargeysa lagu qalaayo labada. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites