Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha oo u Kuurgalay Dhoofka Xoolaha ee Dekedda Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha oo u Kuurgalay Dhoofka Xoolaha ee Dekedda Berbera

Hargeysa(Qaran news)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Maxamed Maydhane Ibraahim ayaa kormeer uu ku indho indhaynaayo dhoofka xoolaha iyo sida uu magaaladda Berbera uga socdo ku tegay magaalada Berbera.

Wasiir ku xigeenku waxa uu ugu horayn kormeer ku maray Maxjarada xoolaha lagu caafimaadiyo ee magaaladda Berbra,waxaana goobahaas oo ay ku jireen xoolo tiro badani kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maxjaradaas,iyaga oo uga war-bixiyey wasiir ku xigeenka xoolaha halkaas ku jira.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Maxamed Maydhane Ibraahim waxa uu sidoo kale kulan la qaatay mas’uuliyiinta gobolka Saaxil oo ay iska xog waraysteen dhoofka Xoolaha ee magaaladda Berbera.

Gebo gebadii waxa ay wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga iyo weftiga la socday booqdeen dekedda magaaladda Berbera oo ay xoolo ka dhoofayeen,waxaanay warbixino ka dhegaysteen qaar kamid ah ganacstada xoolaha dhoofisa Dhakhaatiirta Xoolaha ee wasaaradda iyo weliba mas’uuliyiinta wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga ee gobolka Saaxil.
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in aan xoolaha Somaliland la joojin,isla markaana ay xooluhu si joogto ah uga dhoofaan dekedda magaaladda Berbera.

Ugu dambayna wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Maxamed Maydhane Ibraahim oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in socdaalkoodu salka ku hayo in ay u kuur galaan xaaladda shaqo iyo ta xoolaha ee ay Qaranka u qaabilsan yihiin,iyaga oo daba-gelaaya,hubinaaya maxjarada iyo marinnada ay dekedda iyo maraakiibta xoolaha qaadaysa kamid yihiin,iyaga oo gudanaaya hawlaha shaqo ee ay wasaaraddu qaranka u xil-saaran tahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this