Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbitalka Somali Sudanese oo markii 4-aad noqday kan ugu fiican + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20231012-WA0005.jpg?fit=1280%2C853&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Coddeeyn socotay Mudo 2 Bil ah oo aay Somali Bussiness Award ka Aruurisay Bulashada Somaliyeed laguna qiimeeynaayey Isbita       alka ugu fiican, ayey Bulshadu ugu Aqoonsadeen isbitaalka Somali Sudanese Isbitaalka ugu weeyn uguna fiican Isbitaalada gaarka loo leeyhay.

Wax yaabaha intii Codeeyntu socotay lagu qiimeynaayey Isbitaalada waxaa kamid ahaa

1.Tayada adeega Isbitaalka
2.Dhaqaatiirta iyo Takhasusaadka ka hoowl gala
3.Qalabka caafimaadka
4: Soo buuxinta Sharuucda Cafimaadka

Munaasabad lagu bixinayay abaalgudka Goobta Caafimaad ee ugu weyn uguna fiican Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay xarumo caafimaad oo kala duwan oo ka howlgalla Gobolka Banaadir.

Munaasabadda Abaalgudka Somali Bussiness Award ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Africk, iyadoona lagu abaal mariyay dhamman qaybaha kala duwan ee Ganacsiga Somaliyeed.

 

Ma ahan markii ugu horreysay ee isbitaalka Somali Sudanese uu ku guuleysto abaalmarintaan. Sidoo kale isbitaalka Somali Sudanese wuxuu ku guuleystay Abaalmarintaan oo kale saddex jeer oo hore sida Mogadishu Health Awards, sannadka 2020, Somali Health Awards sannadka 2021, iyo Somali Night Award sannadka 2022

Isbitaalka Somali Sudanese oo Bulshadu uga baratay Adeeg Tayeeysan iyo Dhaqaatiir Takhasusi ah waxaa ka hawlgala 125 dhaqtar oo 40 ka mid ah ay yihiin dhaqtaariir takhasusi ah oo aqoon xeel-dheer iyo waaya-aragnimo u leh dawaynta iyo qalliimada cudurada kala duwan.

Waxayna dhaqaatiirtaas isugu jiraan, Dhaqtarka

Cudurada Guud,
Qalliimada guud,
Dhaqtarka Lafaha,
Dhatarka maqaarka,
Dhaqtarka Beerka iyo uur kujirta (gastroenterology),
Dhaqtarka wadnaha (Gardiology),
Dhaqtarka Cunaha, dhagaha, & Sanka (ENT),
Dhaqtar haweenka,
Dhaqtarka Killiyaha iyo kaadimareenka (Urology).
Dhaqtarka Indhaha
Dhaqtarka Qaliimada Maqaarka iyo Qurxinta ( Pastic and Reconstructive )
Surgery
Dhaqtarka Xidida iyo Halboowlayasha (Vascular Surgery)
Dhaqtarka Lafaha iyo Dhaawacyada Ciyaaraha.

 

The post Isbitalka Somali Sudanese oo markii 4-aad noqday kan ugu fiican + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this