Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulamo ka wada Morocco + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
386095601_789390123227596_25989313755729

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo haatan ku sugan dalka Morocco ayaa kulamo duwan la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda Dowladaha iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka soo qeybgalay shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo sanadaan lagu qabtay dalkaasi.

Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Horumarinta Afrika ee Dowladda UK Mr. Andrew Mitchell oo ay ka wadahadleen hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo taageerada barnaamijka deyn cafinta kadib.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Wadanka Imaaraadka Carabta Mohamed bin Hadi AI-Hussaini oo ka mid ah dalalka deymaha ku leh Soomaaliya.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii go’aan looga gaari lahaa arrimaha deymaha.

Waxaa kale oo uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la kulma dhiggiisa dalka Ciraaq Marwo Taif Sami Mohammed, waxayna ka wadahadleen arrimo ku saabsan arrimaha deyn Caginta la qaatay, maadaama ay Ciraaq ka mid tahay Dowladaha Soomaaliya deynta ku leh.

Sidoo kale wasiir Biixi Imaan Cige ayaa shirar kale oo muhiim ah la qaatay Agaasimayaasha sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, waxaana kamid Agaasimaha Guud ee IMF Kristalina Georgieva, Agaasimaha IMF ee dalalka Bariga Dhexe iyo Bartamaha Qaaradda Asia Jihad Azouri, iyo Dr. Mahmoud Mohieldin oo Agaasime u ah Dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan meel wanaagsan ka gaartay barnaamijka deyn cafinta, sida lagu muujiyay warbixintii u dambeysay ee kasoo baxday hay’adda lacagta ee IMF-ta.

386095601_789390123227596_25989313755729

The post Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulamo ka wada Morocco + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this