Sign in to follow this  
Deeq A.

Taageero caalami ah oo loo dalbay dagaalka ciidamada Soomaaliya ee Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Souef-Mohamed-El-Amine-1.jpeg?fit=2048%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxa howlgalka ATMIS ayaa ku baaqay taageero caalami ah oo la siiyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhowr furin oo kala duwan oo dalka ah kula dagaalamaya kooxda Al-Shabaab.

Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u iibsan karo hub.

Wareysi uu siiyey VOA Somali, ayaa Souef waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay leedahay “ciidan da’yar” ayna beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay inay ku taageeraan hub, rasaas iyo aqoon xirfadeed.

“Waad aragtay waxa ka dhacay Israel, arrinta u dhaxeysa Xamas iyo Israel, deg deg ayey saaxiibadooda, oo Mareykanka ku jiro, deg deg ayey u qaateen go’aan ay ku taageerayaan Israel, marka ay noqoto hub iyo rasaas,” ayuu yiri isaga oo soo xiganaya dagaalka Israel iyo Xamas, kaasi oo dhaliyey in Mareykanka uu maalmo gudahood ku diro gargaar militari oo deg dega ah.

“Waxaan u maleynayaa in Soomaalida ay hadda la tacaalayaan cunaqabateynta … inay tahay in la qaado xayiraadda.”

Souef waxa uu sheegay in qaar ka mid ah dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya ay ogolaadeen inay ciidamada Soomaaliya ugu deeqi doonaan qalab, baabuur iyo qoryo marka ay dalka ka baxaan bisha December ee 2024.

Waxa uu xaqiijiyey in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu ansixiyey codsiga Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo nabad-ilaaliyeyaal ah. “Si rasmi ah ayaa dib loogu dhigay saddex bil.”

Mar la weydiiyey haddii dowladda Soomaaliya ay yareysaneyso xaddiga la wareegista mas’uuliyadda amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, Souef waxa uu sheegay inuu jiro “rabitaan siyaasadeed” oo ay Soomaaliya mas’uuliyadda amniga ugala wareegsyo ATMIS.

“Waxa uu ugu muhiimsan waa rabitaan siyaasadeed,” ayuu yiri. “Rabitaanka siyaasadeed waa jiraa, Soomaalida na ma doonayaan in waligood la caawiyo. Waxay doonayaan inay qaataan milkiyadda. Aad ayey u dadaalayaan.”

Souef aya ka digay in la dhayalsado Al-Shabaab, oo uu sheegay inay sameyso tababar ballaaran, iskuna dayeyso inay awoodda qabsato.

Waxa uu sheegay in kooxda ay heleyso hub “ayna aad u qalabeysan tahay.”

“Maya, ma dhayalsaneyno Al-Shabaab, mana jirto cid dhayalsan karta Al-Shabaab,” ayuu yiri. “Hore ayaan kaala hadlay wixii dhacay laba maalmood ka hor – Xamas waa koox hubaysan, waxaadna aragteen waxyeellada ay ka gaysteen Israel, halka Israel ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu ciidanka abaabulan uguna qalabaysan dhanka sirdoonka”.

Souef ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ay sugayaan diyaarado helicopter ah oo ka imaanaya Burundi, oo ku xiran fasaxa dowladda Soomaaliya, si ay ugu daraan labadii diyaarad oo helicopter-ka ah oo ay horay uga heleen Uganda.

Isha, VOA

The post Taageero caalami ah oo loo dalbay dagaalka ciidamada Soomaaliya ee Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this