Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Duqa Muqdisho oo war kasoo saaray dagaalka Falastiin iyo Israel

Recommended Posts

Deeq A.   
guddoomiye-yuusuf-madaale.jpg?fit=2048%2

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay dagaalka u dhexeeya ciidamada Israel iyo dadka reer Falastiin ee ka socda aagga magaalada Gaza.

Dagaalka ayaa todobaadkan sii xoogeystay, kadib markii Ururka Xamaas ee Falastiin uu weerar lama filaan ku qaaday magaalooyinka Israel, ayna gaarsiiyeen khasaare culus.

Madaale ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaag u muujiyaan reer Falastiin, isla-markaana ay u duceeyaan, maadaama ay jawahayaan xaalad adag.

Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaca ka qaaday in Israel ay dhibaato ku hayso Gaza, isla-markaana ay go’doomisay, sidoo kalena ay ka goysay raashinka, korontada iyo biyaha.

‘Waxaan rabaa haddii uu Ilaah yiraahdo inaan Ilaah u barino walaalaheena reer Falastiin ee cadowgu ku gar-darooday ee raashinkii, korontadii iyo biyihii laga gooyay ee ciqaabta adag la kulmaayo ee la duqeynaayo, la’iskuna kaashaday in Ilaahey uu ka dulqaado” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas sii raaciyay “Waxaan ugu duceyneynaa in Ilaahey uu ka dulqaado dhibaatada haysata, Ilaaheyna uu guuleeyo, Yahuuda iyo wixii la hal maalana uu ka qabto”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo weli halkiisa uu ka socdo dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israel, kaas oo ay sidoo kale babar socdaan duqeymo xoogleh.

Si kastaba, Khasaaraha, dhanka Isra’eil waxaa la sheegayaa 1,200 oo u badan shicib, dhaawacuna uu kor u dhaafay 3,000, halka duqeynta diyaaradaha Isra’il ay dileen ilaa hadda in ka badan 1,000 oo Falastiiniyiin ah, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

The post Daawo: Duqa Muqdisho oo war kasoo saaray dagaalka Falastiin iyo Israel appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this