Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan la socday MAYD oo laga reebay diyaarad kusii jeeday Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   
Black.jpg?fit=843%2C802&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya is hortaag maanta lagu sameeyay Xildhibaan Cabdullahi Aadan Axmed (Black) oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla-markaana kusii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xildhibaanka oo deegaan ahaan kasoo jeedo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu warramayaa in laga reebay maydka diyaarad sidday marxuum ganacsade Maxamed Xasan Yuusuf (Maad Laamey) oo loo waday magaalada Baydhabo, si aas loogu sameeyo halkaasi.

Cabdullahi Black oo ay qaraabo yihiin marxuumka ayaa la sheegay in loo diiday inuu ka dago garoonka Shaati Gaduud, kadibna uu sidaas uga haray maydka uu la socday.

Wararka ayaa sheegaya in amarka loogu diiday in Baydhaba uu ka dago xildhibaanka uu kasoo baxay dhanka Koonfur Galbeed, waxaana loo sababeynayaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo ka dhalatay muranka doorashooyinka.

Black ayaa kamid ah xildhibaanada sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Laftagareen, wuxuuna qayb ka yahay xubnaha dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ka wada Muqdisho.

Dhanka kale, wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha, ahna Senator hore Ilyaas Cali Xasan ayaa ka hadlay dhacdadaan, isaga oo sheegay inuu cambaareynayo falka lagu dhaqaaqay xildhibaanka, xilli uu ka socday maydka ganacsado ay qaraabo yihiin.

“Waan cambaareynaayaa in Xildhibaan Abdulahi Adan Black oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, loo diido inuu tago Baydhabo, isasoo lasocdey Meydka ganacsade ay qaraabo ahaayeen” ayuu ku yiro qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay Ilyaas Cali Xasan.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa hadda ka taagan jahwareer siyaasadeed, ayada oo si weyn doorashada ay isugu hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne C/casiis Laftagareen.

Si kastaba, Arrinta ayaa faraha kasii baxaysa, ayada oo mucaaradka loo diiday inay tegaan Baydhaba, kadib go’aanno culus oo ka soo baxay maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

The post Xildhibaan la socday MAYD oo laga reebay diyaarad kusii jeeday Baydhaba appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this