Sign in to follow this  
Deeq A.

ATMIS oo dalbaday in Soomaaliya laga qaado xayiraadda Hubka

Recommended Posts

Deeq A.   
a77bb2a4-4b03-4c2e-97dd-25b294abc556_cx0

Madaxa hawlgalka ATMIS ayaa ku baaqay in taageero caalami ah la siiyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhawr furimood kula dagaallamaya maleeshiyaadka AS.

Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya aysan u baahneyn kaliya tababar, balse ay u baahan yihiin qalab, xirfado ay helaan saraakiisha, iyo in la qaado xayiraadda hubka, si dalka u soo iibsan karo hub.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa ay xoreeyeen dhul ballaaran, oo ah Muqdisho illaa Xarardheere, taas oo ah hawl aad u culus”

“Waxaan u maleynayaa in Soomaalida ay hadda la tacaalayaan cunaqabateynta Hubka in ay tahay in la qaado xayiraadda” ayuu yiri Mohamed El-Amine Souef.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika uu ansixiyey codsiga Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bil ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo ATMIS ah.

PUNTLAND POST

The post ATMIS oo dalbaday in Soomaaliya laga qaado xayiraadda Hubka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this