Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad dagaal oo ka taagan degaanka Qorilugud ee gobolka Cayn

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20231012_092735160.jpg?resize=720

Wararka ka imaanaya degaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Cayn ayaa sheegaya in halkaas saaka laga dareemo xiisad dagaal oo xooggan.

Maleeshiyaad ururis ah oo la isaga keenay degaannada Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in ay saaka abaabul iyo dhaq dhaqaaqyo kala duwan ka wadaan degaankaas Qorilugud.

Xiisadda ayaa daba socota dagaal beeleed hubaysan oo dhawaan ka dhacay dhulka miyiga ah kaas oo dhexmaray laba beelood oo ka soo kala jeeda Buuhoodle iyo Qorilugud.

Wararka ayaa tilmaamaya in xiisadda uu gadaal ka riixayo taliska Muuse Biixi oo raadinaya in uu colaad horleh ka abuuro beelaha labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Xiisad dagaal oo ka taagan degaanka Qorilugud ee gobolka Cayn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this