Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefti ka Socda Somaliland oo ka Qayb Galay Shir Caalamiya oo Lagu Qabtay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefti ka Socda Somaliland oo ka Qayb Galay Shir Caalamiya oo Lagu Qabtay Itoobiya
IMG-20231011-WA0015.jpg

IMG-20231011-WA0014.jpg

Hargeysa (Qaran news)-Wefti uu Hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kallumeysiga Dr. Axmed Cali Maax oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Ganasiga, Gudoomiyaha rugta ganacsiga, Haay’adda Tayada iyo Ganacsadatada Shirkadaha kalluunka ayaa ka qaybgalay shir caalami ah
oo ah oo saaka ka furmay Addis ababa, Ethiopia.
Shirkaas oo ku saabsan
fursadaha Kalluumeysiga & Dhaqaalaha Buluugga ah ee Geeska Afrika(Opportunities in Fisheries & Blue Economy For the Horn of Africa).
Shirkaa oo ay ka soo qeyb galeen wadamada Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo Somalia shirkaa oo socon doona 11- 13 October 2023.

Waxa maalgelisay USAID waxayna soo marisay hayadda Trade Mark Afica.

Shirkaa oo ay muhiimadiisu tahay sidii suuq loogu heli lahaa kalluunka dalka.

Waxaa kaloo halkaa ka dhacay carwo lagu soo bandhigay wax soo saarka dalkeena oo ay si wanaagsan uga soo dhex muuqdeen ganacsatadeena kaluumaysiga Carwadaa oo ay xidhiga ka jareen Agaasimaha Guud wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kallumeysiga, Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo Madaxa Kallumeysiga ee Wasaaradda beeraha ee Ethiopia
Shirkaa oo socon doona muddo seddex cisho ah

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this