Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Xuquuqul Insaanka QM oo Shaaciyay in Aqoonsiga Somalilabd wax ja Tarayo Nabada Mandaqada

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Xuquuqul Insaanka QM oo Shaaciyay in Aqoonsiga Somalilabd wax ja Tarayo Nabada Mandaqada

Geneva(Qaran news)- Golaha Xuquuqal Insaanka Qaramada Midoobay ayaa laga soo jeediyey in aqoonsiga qarannimada Somaliland ay wax ka tari doonto mustaqbal ammaan ah oo ay helaan dhamaan dadka Geeska Afrika.

Kalfadhiga 54aad ee Joogtada ah ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo Salaasadii 10 October 2023 lagu qabtay Xarunta Geneva ayaa lagu dhegeystay dood la xidhiidha muhiimada aqoonsiga Somaliland.

Cali Maxamed, oo ka tirsan khubarada Golaha Xuquuqal Insaanka QM oo khudbad ka jeediyey kulanka ayaa si weyn u amaanay horumarka Somaliland waxaanu yidhi;
“Aqoonsiga Somaliland waxa uu wax weyn ka tari doonaa xasiloonida mandaqada, dhiirigelinta wada shaqaynta iyo wada hadalada u dhexeeya ummadaha, Somaliland waxay hore u muujisay inay tahay saaxiib la isku halayn karo ee la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeeda, aqoonsigani wuxuu ugu yaraan xoojin doonaa iskaashigaas.” Ayuu sheegay khabiir Cali Maxamed.
Khabiir Cali waxuu intaa ku daray, “In la aqoonsado Qarannimada Somaliland waxa ay ka qayb qaadanaysaa nabad iyo barwaaqo inay u horseedo dhammaan shucuubta Geeska Afrika, taasina waa sababta aanu ugu baaqayno in aad gacan ka geysataan qadiyadan, si wadajir ah ayaanu uga *****n karnaa arrintan, oo dhiirigelinaysa. Dad badan oo Geeska Afrika ah iyo kuwa kaleba, waxaan beddeli karnaa habka taariikhda, waxaanan rajo gelin karnaa kuwii xorriyadda iyo dimuqraadiyadda u soo halgamay” ayuu yidhi.

Qadiyadda Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland inay gaadho xarunta Qaramada Midoobay ee Xuquuqal Insaanka ayaa la sheegaya inuu ku yimi dedaaladda madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo dublamaasiyiinta caalamka u jooga ka geysteen horumarinta qadiyadda aqoonsiga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this