Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada DF oo soo bandhigay godad ay Shabaab ka dagaalamayeen mudo bil ah

Recommended Posts

Deeq A.   
40d98e98-54ab-4cca-bcca-8fe4337780ea.jpe

Mahadaay (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horeysay la helay sawirrada goobihii ay ka dagaalamayeen Shabaab-kii soo galay deegaanka Ciid-Ciidka ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii maanta ay godadkii kooxda u daateen ciidamada xoogga dalka.

Waxaa la soo bandhigay sawirro muujinaya in Shabaab laga saaray godad waaweyn oo dhulka howdka ah ay ka qoteen, kadib dagaal socday muddo bil ka badan.

Dagaalyahano Al-Shabaab ka tirsanaa oo tiradooda lagu sheegay boqolaal ayaa 6-dii bishii hore isku deyey inay ka gudbaan deegaanada dhaca jiinka wabiga ee u dhow degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Kooxda ayaa dadka deegaanka kala kulantay dagaal culus, sidoo kale ciidamada dowladda ayaa ku biiray dagaalka, waxaana Al-Shabaab ku bilowday dagaal cir iyo dhul ah oo maanta soo gaaray.

Kooxda oo qorsheyneysay inay u gudubto deegaanada xorta ah ee gobolka Shabeellada Dhexe ilaa Galgaduud oo xubno kale oo Shabaab ah ay ku go’doonsan yihiin ayaa ku gungowday qorshahaas.

Sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab waxaa u suurta-geli weysay inay dib ugu laabtaan galbeedka wabiga Shabeelle oo markii hore ay ka yimaadeen, maadaama laga burburiyey doomihii ay ku yimaadeen.

Duqeymaha diyaaradaha ayaa sidoo kale kooxda u diiday inay ka baxaan difaacyadii iyo godadkii ay ku jireen, waxaana halkaas ka dhacay dagaal toos ah kii ugu dheeraa oo socday bil iyo dhowr maalmood.

Markii laga reebo sawirrada la helay iyo jabka la sheegay inuu kooxda ku gaaray dagaaladii shalay iyo maanta, hadana ma jiro war rasmi ah oo sheegaya in laga guuleystay oo lasoo afjaray Shabaab-kii ka dagaalamayey aagga Mahadaay.

be42427b-9f67-44ce-bf2b-1d76965b06f4.jpe b1b9e3d0-efc6-4385-89de-a3bf02d02bce.jpe 1ae832c0-d168-41aa-a484-d875a307ba7a.jpe c42b7761-0034-40e6-af2b-64fa8ce3078a.jpe 40d98e98-54ab-4cca-bcca-8fe4337780ea.jpe 7d8501fb-087f-4712-b18e-34685f6623f8.jpe 303d1eea-4251-49c6-b085-d6d36a634a96.jpe 051712ae-f657-4e62-bd88-57d18cc7afdc.jpe 551305d1-599a-426c-9eb5-2f9ae85dc33f.jpe 5fc3283e-1441-4b81-a176-ca1f02c5642b.jpe 1a1b96f3-b19a-4660-986d-ed56d590881e.jpe 5d5025e2-b332-413c-8960-d419cf6180cb.jpe

The post Sawirro: Ciidamada DF oo soo bandhigay godad ay Shabaab ka dagaalamayeen mudo bil ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this