Deeq A. Posted October 11, 2023 Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Maraykanka ku eedeeyey dagaalka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Falastiniyiinta iyo Israa’iil, hadalkiisii ugu horreeyay ee fagaare ah tan iyo markii billaamay dagaalka Gaza. “Waxaan u maleynayaa in dad badan ay igu raaci doonaan in tani ay tusaale cad u tahay fashilka siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe,” Putin ayaa hadalkan ku dhawaaqay xili uu shalay kulan la yeelanayey Raysal wasaaraha Ciraaq Mohammed Shia’ Al-Sudani. Putin iyo dhiggiisa Ciraaq ayaa ku kulmay magaalada Moscow si ay uga wadahadlaan khilaafka hadda u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas. Hadalada Putin waxaa kamid ahaa: Maraykanku wuxuu isku dayey in kaligii looga danbeeyo xalka Falastiin, laakiin nasiib darro ma keenin “Xal” ay aqbali karaan labada dhinac, balse Maraykanku waxa uu taageero buuxda u hayaa hal dhinac, isagoo aan wax tixgelin ah siineyn danaha aasaasiga ah ee Shacabka Falastiiniyiinta,” Source Share this post Link to post Share on other sites