Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska oo billaabay in uu iskaga baxo Niger

Recommended Posts

Deeq A.   

Faransiiska ayaa billaabay in uu ciidamadiisa kala baxo dalka Niger kadib markii ay amar ku bixiyeen hogaamiyayaasha Militariga dalkaasi, xilli ay dowlada Maraykanka ay salaasadii shalay shaacisay inay jartay lacagtii ay siin jirtay dowlada Niger oo gaadhaysa 500 oo milyan oo doollar oo loogu talagalay la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.

Maraykanka, oo ay weheliyaan dalalka reer galbeedka oo uu Faransiiska ku jiro, ayaa ku cadaadinayey milateriga Niger sidii loo soo celin lahaa madaxweynihii la inqilaabay bishii July, Maxamed Bazoum.

Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadooda ka jooga dalka Niger oo gaadhaya 1,000 askari ay halkaasi sii joogi doonaan, balse hadda ma sameeyaan tababarka ama caawinta ciidamada Niger.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this