Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Nasiib Darro ku Tilmaamay Garoonkii kubada Kollayga Jigjiga Yar oo Xalay la Dumiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Nasiib Darro ku Tilmaamay Garoonkii kubada Kollayga Jigjiga Yar oo Xalay la Dumiyay
IMG-20231011-WA0011.jpg

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Siciid Jaamac Cali oo ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xalay saqdii dhexe la dumiyay garoonka kubbada kollayga ee xaafada Jigjiga yar.

Xildhibaanku wuxuu sheegay gariinkaas xukuumadda dhexe ka iibisay ganacsadaha leh Huteelka Summer Time ee casimadda Hargeysa.

Xikdhibaan Siciid wuxuu sheegay in gole deegaan ahaan ay doonayeen inay garoonkaas casriyayn iyo dib u dhis ka hirgaliyaan, iyagoo ku daray miisaaniyad sannadeedka Dawladda Hoose.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in aanay ku guulaysan muddo uu ganacsadahaasi ku boorinayey in uu ka laabto iibsiga garoonkaas oo ah labada garoon ee kaliya ee lagu ciyaaro kubadda kollayga.

Siciid Jaamac wuxuu sheegay xalay saqdii dhexe abaaro saddexdii habeenimo la dumiyay oo dhulka uu la simay ganacsade Siciid Sh. Cumar.

Waxa uu dadweynaha iyo dhallinyarada degan degmada Ibraahim Koodbuur uu u soo jeediyay inay ilaaliyaan nabadgelyada oo ay u heli doonaan meel ay garoon uga dhisaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this