Sign in to follow this  
Deeq A.

DENI oo wasiirka amniga Puntland u magacaabay Ibraahim Xaaji Bikiin

Recommended Posts

Deeq A.   
387780860_2459574044216348_1758324719612

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta magacaabay wasiir cusub, kadib wareegto uu soo saaray.

Deni ayaa xilka wasiirka amniga iyo DDRTA ee maamulka goboleedka Puntland u magacaabay Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin), sida lagu sheegay wareegtada.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la tashaday ku xigeenkiisa, sidoo kalena uu aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa uu ku xusay wasiirka cusub ee amniga Puntland.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 11-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri wareegtada ay shaacisay madaxtooyadu.

Qoraalka ayaa intaasu kusii daraya “Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: in Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland”.

Sidoo kale digreetadan ayaa waxaa  lagu xusay inay dhaqan-gashay isla maanta, maadaama uu saxiixay madaxweynuhu.

“Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay” ayaa mar kale lagu yiri.

Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) ayaa beddalaya Cabdisamada Galand oo bishii June ee sanadkan 2023-ka xilka uu ka qaaday madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Magacaabista wasiirka cusub amniga Puntland ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay xiisad xoogan oo ka dhalatay muranka doorashada ay ka taagan tahay maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Garoowe oo ay hadda ku sugan yihiin xubnaha mucaaradka oo dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah madaxweyne Deni ka wada magaaladaasi.

The post DENI oo wasiirka amniga Puntland u magacaabay Ibraahim Xaaji Bikiin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this