Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo la wareegtay hoggaaminta shirweyne caalami ah

Recommended Posts

Deeq A.   
df.jpg?fit=1024%2C683&ssl=1

Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa shir-gudoomiyay kulan weynaha 70-aad ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Shirkan oo ka dhacay caasimada Masar ee Qaahira ayaa waxa ka qeyb-galay madax kala duwan oo ka socday dalalka caalamka iyo kuwa hay’adaha QM ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka, iyada oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh.

Shirka oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo sii amba-qaadi lahaa hiigsiga horumarinta caafimaadka, guud ahaan bariga iyo bartamaha, iyada oo la hubinayo gaarsiinta caafimaad dhamaystiran guud ahaan gobolka.

Soomaaliya ayaa madaxda ka qeyb-gashay shirkaan la wadaagtay walaaca ay ka qabto xaaladda ka taagan dhulka Falastiin, tan iyo Sabtidii markii ay Xamaas dagaal qorsheysan ku qaaday Israel.

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda, islamarkaana la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka warbixiyay horumarada laga sameeyay caafimaadka Soomaaliya, maadaama bulshada Soomaaliyeed muhiimad gaar ah u leedahay adeeg caafimaad oo tayo leh, “ayada oo la raacayo nidaamka hirgelinta adeegga caafimaad oo loo dhan yahay.”

“Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ka go’an helitaanka caafimaad dhamaystiran oo tayo leh, islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya”

Si kastaba, Kulan weynahan ayaa inta uu socdo waxa looga hadli doona mowduucyo kala duwan oo muhiim ah, waxaana la soo gaba-gabeyn doona maalinta Khamiista.

The post Soomaaliya oo la wareegtay hoggaaminta shirweyne caalami ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this