Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: NISA oo qabatay darawal Shabaab u gacan galiyay gaari dowladeed

Recommended Posts

Deeq A.   
387784549_788645143302094_74018177461717

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka, gaar ahaan kuwa dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay laba nin oo ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab u geeyeen gaari dowladeed.

Labadan nin oo lagu kala magacaabo Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed ayaa sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47.

Sida ay sheegtay hay’adda, waxay labadaan nin markaas u dhaqaaqeen dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, si ay kooxda Al-Shabaab uga iibsadaan hantida dowladda ee lagu aaminay.

Cabdifataax iyo Xasan ayaa kula heshiiyay kooxda in la siiyo lacag dhan 20-kun dollar, kadib marka ay u gacan galiyaan gaariga ay iska laheyd wasaaradda biyaha iyo tamarta Jubbaland, hase yeeshe taasi ma dhicin, sida ay sheegtay hay’adda.

“Kahor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda.

Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaariga ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay ayaa waxay sheegtay NISA in hadda wax walbo ay ku noqotay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro hay’adaha amniga.

“Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen argagixisada kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku dhuumaalaystaan Khawaarijta balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay argagixisada iyo raggan khiyaanada Qaran ku kacay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Hay’adda ma shaacin sida raggaan ugu soo gacan galeen ciidamada hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka, hase yeeshe wararka qaar ayaa sheegaya in labadaan nin la soo qabtay kadib markii ay kasoo laabteen Jilib.

387784549_788645143302094_74018177461717

387768725_788645159968759_58874411558438

387764405_788645179968757_55371785835441

387776916_788645183302090_13267892081157

The post Sawirro: NISA oo qabatay darawal Shabaab u gacan galiyay gaari dowladeed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this