Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo Iyo Afar Carruur Ah Oo Ay Dhashay oo Ku Geeriyooday Dalka Finland Kadib Markii Dab Ka Kacay Gurigooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalo la yidhaahdo Vantaa, oo ku taalla duleedka magaalo madaxda dalka Finland ee Helsinki, ayaa lagu soo warramayaa in qoys Soomaali ah uu ku gubtay gurigii ay deganaayeen.

Allaah ha u naxariistee, hooyo la odhan jirey Sahra Macallin Ibraahim iyo afar carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay dabkaas.

Carruurta waxaa ugu weynaa 8 jir, waxaana ugu yaraa 2 jir, illa iyo haddana ma cadda waxa sababay dabkaasi, inkastoo Booliska Magaaladaasi ays heegen inay baadhitaanno sameyn doonaan sababta keenatay dabkaasi inuu kaco.

Jaalliyadda Soomaalida ee dalkaasi oo isku soo baxay, waxaana ay dalbadeen in baadhitaanno la sameyo, xilli aan wali meydadkii la aasin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this