Sign in to follow this  
BiLaaL

Safaaradda Ethiopia ee somalia oo u hanjabtay Idaacadda Shabelle

Recommended Posts

BiLaaL   

The Ethiopian occupation has just stepped up a gear. An embassy official from a foreign country is threatening a news organisation of another (supposedly sovereign, we are told) country. This official is essentially telling Shabelle to cease reporting ambushes by the resistance on the occupying Ethiopian military. Why? Because, as the official acknowledges, foreign news agencies increasingly cite Shabelle as their source. The official obviously does not want the international community to find out about the ugly truth of the Ethiopian occupation.

 

The bizzare outbursts of this official include threats that he will unleash factions within the TFG who are, according to the official, eager to lay their hands on Shabelle. Pay attention folks! An Ethiopian official is threatening a Somali news organisations and his threats are no more than that he will send Somali government members whom he has been keeping at bay!

Yet another proof, if any were needed, that Ethiopia not only has full control of every facet of our sovereignty but also enjoys microcosmic control of the agents it has installed to run the country. Such control is unheard of under previously occupied nation-states. The TFG has gone beyond being a puppet entity. Only time will reveal its true status.

 

Good on Shabelle for having the guts to publish this priceless insight into the true nature of the Ethiopian occupation.

 

 

Mogadishu 07, August 07 ( Sh.M.Network) Safaaradda Ethiopia ay ku leedahay Somalia ayaa maanta u hanjabtay Idaacadda Shabelle sababo la xiriira ka hadalka dhacdooyinka Somalia.

 

Mas'uul ka tirsan safaaradda Ethiopia ay ku leedahay dalka Somalia oo barqonimadii maanta la soo xiriirey shabakadda warbaahinta shabelle ayaa si kulul ugu eedeeyay in ay buun buuniso dhacdooyinka ka dhaca gudaha dalka Somalia.

 

Sarkaalkaan oo hadaladiisa ay ka muuqdeen caro aad u fara badan ayaa waxa uu ku goodiyay sida uu sheegay in uu soo fasixi doono madax ka tirsan amniga qaranka Somalia oo uu sheegay in uu ka celcelinayo shabakadda warbaahinta shabelle .

 

Mas'uulkaan oo la yiraahdo Jamaaludiin ayaa mar la weydiiyay waxyaabaha uu ku eedeynayo shabakadda Shabelle waxa uu sheegay in ay tahay waxyaabaha inta badan beesha caalamka iyo wakaaladaha ay u soo xigtaan Idaacadda Shabelle.

 

Waxa uu ku celceliyay in idaacadda inta badan ay ka hadasho dhacdooyinka ka dhaca dalka Somalia gaar ahaan weerarada lagu qaado ciidamada Ethiopia.

 

Mar Shabelle ay weydiisay haddii uu diidan yahay in la sheego ama ka hadalka weerarada lagu qaado fariisimada ciidamada Ethiopia iyo waxyeelada ay geystaan ama loo geysto ayaa waxa uu sheegay in aanu diidaneyn arinkaasi hasa ahaatee idaacadda ay adeegsato ereyo aanu adeegsan warbaahinta inta badan ka jirta dalka Somalia.

 

Goodinta iyo hanjabaadaha maanta kaga yimid idaacadda shabelle safaaradda Ethiopia ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dhibaatooyin xoogan ay ka jiraan dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho, dhibaatooyinkaasi oo ah kuwo ciidamada Ethiopia ay u geystaan dadka rayidka ah marka loo geysto weeraro.

 

Dowladda KMG ah oo sheegtay in ay saaxiib la tahay dowladda Ethiopia ayaa horey labo jeer albaabada isugu dhufatay idaacadda Shabelle iyo idaacado kale inkastoo markii dambe lagu sii daayay cadaadis dowladda ay kala kulantay beesha caalamka iyo dadaalo ay sameysay dowladda Mareykanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

in uu soo fasixi doono madax ka tirsan amniga qaranka Somalia oo uu sheegay in uu ka celcelinayo shabakadda warbaahinta shabelle

So the safaarad is the one that is fasaxing and ka celceling madaxda amniga ??

 

 

Waaba la caddaystay ka waran ,,, intay qarqarin jireenna dan bay ahayde :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Jacaylbaro:

So the safaarad is the one that is fasaxing and ka celceling madaxda amniga ??

 

 

Waaba la caddaystay ka waran ,,, intay qarqarin jireenna dan bay ahayde :mad:

loool JB awal Meles baa toos u soo fasixi jirey hadda safaaradda shaqada qabata soo maahan!

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Originally posted by me:

Don't know whether to laugh or to cry :mad:

The incident itself, that of seemingly grown up, intelligent men being ordered around in their own country, is laughable. On the other hand, it is somber for a number of reasons. Not least, this incident gives us a rare insight into the true nature of the occupation; an insight which has greater implications than the mere fact of the Ethiopians wanting to silence Shabelle. The real significance of this incident lies in the way in which it reveals, the almost totalitarian control that the occupiers have and exercise over their Somali agents.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^^They would if they could. Qaadisiya and Kismaayonews are not as official though. They don't have offices you can just rock up to and demolish. In any case, Qaadisiya and Kismaayonews largely cater for the Somali audience. Shabelle, on the other hand, functions as a main source of news for major overseas networks. This is why its a match bigger threat than the rest.

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^Appears as if the Ethiopian Embassy officials haven't wasted much time unleashing their agents. Given Shabelle's standing in the eyes of the Somali public, though, how will the incoherent traitors of the TFG overcome the aftershocks that this crackdown is likely to generate?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaalkaan oo hadaladiisa ay ka muuqdeen caro aad u fara badan ayaa waxa uu ku goodiyay sida uu sheegay in uu soo fasixi doono madax ka tirsan amniga qaranka Somalia oo uu sheegay in uu ka celcelinayo shabakadda warbaahinta Shabeelle.

Xabashi dude was not bluffing, indeed.

 

Muqdisho 10/August/07 - Ciidamada booliska dowladda KMG ah ayaa saakay gudaha u soo galay xarunta shabakadda warbaahinta shabelle, iyagoona xabsiga u taxaabay dhamaan shaqaalihii ku sugnaa xarunta isla markaana ku amray in la damiyo idaacadda, xilli dhowaan safaaradda Ethiopia ee Somalia ay u goodisay idaacadda Shabeelle.

 

Abaaro saakay 9:30 ayaa ciidamo uu wato Cali Gaab oo ah taliyaha qeybta booliska Waliyoow Cadde waxa ay soo galeen xarunta Idaacadda, iyagoo ku amray shaqaalaha in ay isugu yimaadaan qol ka mid ah idaacadda halkaasi oo ay ka sii kaxeysteen, iyadoo wali aan la ogeyn sababaha la xiriira arinkaan.

 

Taliye Cali Gaab ayaa ku amaray ciidamadii uu watay in xabsiga loo dhaadhiciyo dhamaan shaqaalaha idaacadda.

 

9 ka mid ah shaqalaha idaacadda oo uu ku jiro K/simaha agaasimaha idaacadda Shabeelle, Jacfar Kuukaay ayaa loo dhaadhiciyay xabsiga degmada H/wadaag.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Then again, after another possible intervention from the American officials in Nayroobi, they let them re-broadcast normally in the same day. Mar hore ayee iridaha u laabi lahayeen if their Xabashi masters did not fear America.

 

Idaacadda Madaxa Banaan ee shabelle ayaa dib u howl-gashay saacado ka dib markii la sii daayay shaqaalihii idaacadda inkastoo mid ka mid ah shaqaalaha ay la hareen ka dib markii saakay ciidamo ka tirsan dowladda ay xabsiga dhigeen, isla markaana ay hakiyeen howlihii shaqo ee idaacadda, inkastoo hadda ay caadi ku soo laabteen howlaha idaacadda.

 

Abaarihii saakay 9:30 kii subaxnimo ayaa waxaa xarunta idaacadda Shabelle soo galay ciidamo boolis ah oo uu horkacayay taliyaha qeybta booliska ee Waliyoow Cadde G/dhexe Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) , isla markaana ku amray shaqaalaha idaacadda in ay joojiyaan howsha ayna damiyaan idaacadda, iyadoo uu amar ku siiyay ciidamadii la socday in la geeyo saldhigga dhamaan wixii shaqaalo ah ee xilligaasi ku sugnaa xarunta.

 

Shaqaalaha Shabakadda ayaa lagu lugeysiiyay wadada laamiga ah ee hormarta idaacadda, iyadoo hareeraha ay ka joogeen ciidamo boolis ah, waxaana saldhigga loo dhaadhiciyay 9 ka mid ah shaqaalaha idaacadda Shabelle , iyadoo si wanaagsana uu ula dhaqmay Taliyaha booliska Waliyoow Cadde Cali Gaab, inkastoo Taliyaha Saldhigga uu ku amray shaqaalaha in ay bixiyaan kabaha iyo sheey kasta oo jeebkooda ku jira, waxaana arinkaasi ku gacan seyray taliyaha Qeybta Waliyoow Cadde Cali Gaab oo sheegay in si wanaagsan loola dhaqmo wariyeyaasha.

 

Xiritaanka shaqaalaha ayaa waxa uu ka dambeeyay sida uu sheegay Taliyaha qeybta booliska Waliyow Cadde wareysi ku baxay saakay barnaamijka xulka wararka ee soo gala 6:30 Subaxnino wareysigaasi oo ku aadanaa weeraro xalay ka dhacay agagaarka saldhigga degmada H/wadaag oo sida warka uu ku soo helay taliyuhu loo sheegay in saldhigga ciidamadii jooga ay ka huleeleen iyadoo markii loo sheegay in wareysiga uusan sidaasi u bixin ayuu dib u soo celiyay 8 ka mid ah wariyeyaasha, waxaana ay yimaadeen taliyaha iyo wariyeyaasha xarunta Shabelle, waxaana dib loo dhageysiiyay wareysigii ku baxay barnaamijka xulka wararka ka dibna waxa uu ku qancay in uu ka duwanaa hadalkii horey loogu soo sheegay sidaasi ayuu ugu sheegay maamulka idaacadda in ay dib u bilaaban karaan howlahooda.

 

Wariye ka tirsan Shabelle oo la yiraahdo Bile C/laahi ayaa wali xiran, isagoo ahaa wariyihii saakay lagu wareystay barnaamijka xulka wararka.

 

Taliyaha saldhigga degmada H/wadaag iyo ciidamo kale oo la socday ayaa markii idaacadda ay hawada gashay soo galay xarunta mar kale, iyagoo sheegay in ay u baahan yihiin soo saaraha Barnaamijka xulka wararka oo la yiraahdo Maxamed Cabdi Faarax (Afgooye), waxayna amar ku bixiyeen in maalinta berri ah uu yimaado Saldhigga H/wadaag hadii kale talaabo ay ka qaadi doonaan.

 

Arimahaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli 7 dii bishaan oo ku beegneyd talaadadii la soo dhaafay safaaradda Ethiopia ay ku leedahay Somalia ay ugu hanjabtay idaacadda Shabelle sababo la xiriira sida shabakadda ay uga hadasho dhacdooyinka Somalia.

 

Waa markii 5aad oo idaacadda Madaxa banaan ee Shabelle ay xirto dowladda KMG ah ee Somalia, iyadoo idaacadana ay shaqeyneyso sanadkeedii 5aad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa magaalo madaxdaada Xabashi heysato. You, as every decent damiirnimo iyo daljecelnimo Soomaali ku jirto should be expected from, should prepare to do what you can to liberate Xamar, xuduntii Soomaaliyeed -- be it af, gacan or hanti.

 

You should do that instead of asking su'aal jees jeesto ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this