Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Suldaan Gasle: Masaajidkii aan aas-aasay ayaa waxaa iga taal warqad la leeyahay ma soo geli karo

Recommended Posts

Deeq A.   
SULDAAN.png?fit=641%2C360&ssl=1

Amsterdam (Caasimada Online) – Khilaafkii u dhexeeyay Guddigii maamulka Markaz QUBA oo ku yaal magaalada Amsterdam ee waddanka Holland, ayaa mar kale soo shaac-baxay kaddib markii uu shalay shir jaraaíd ku qabtay  Amsterdam Sheekh Suldaan Gasle oo ahaa iimaam-kii iyo guddoomiyihii guddiga maamulka masjidka.

Sheekh Suldaan oo ay garbihiisa fadhiyeen waxgarad Soomaali ah, ayaa sheegay  inuu quus ka joogo waanwaan loogu kala dabqaadayay isaga iyo xubnihii kale ee guddiga maamulka kala tirsanaa, wuxuuna xusay inuu dedaal kasta u sameeyay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka muddada dheer kala dhexeeyay xubnaha kale ee Masjidka.

Dacwaddan, oo muddo ka badan 2 sanno soo jiitameysay  ayaa u dhexeysay Guddoomiyihii guddiga maamulka masjidka iyo Iimaamkii masjidka  Sheekh Suldaan Gasle iyo 2 xubnood oo guddiga masjidka ka tirsanaa [Sheekh Ibraahim oo loo yaqaan Abuu-Khadiija iyo Guuleed Weyrax], waxaanna marxaladaha ay soo martay ka mid aheyd in iimaam-kii masjidka ay masaajidka boolis si qasab ah kaga saareen, iyada oo tillaabadaasi ay si weyn kaga caroodeen waxgaradkii Soomaaliyeed ee la socday dedaalkii uu Sheekh Suldaan ka soo maray dacwadda islaamiga ah.

Shirkan jaraaíd ee uu shalay qabtay Sheekh Suldaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo lagu wado dabayaaqada bishan in ay masjidka muxaadarooyin 3 cisho soconaya ku qabtaan culumaa’udiin uu ka mid yahay Sheekh Mustafa Haaruun.

“Waxaan maanta halkan u soo fadhiistay inaan ogeysiiyo Jaaliyada iyo culimada lagu casuumay in ay yimaadaan mutamarka lagu iclaamiyay baraha bulshada inaan waxaan kala socda aysan jirin, anigoo sharciyadan ugu qoran sida ay maxkamadu xukuntay haddana waxaan goostay inta arrinta ay dhinac u dhaceyso anigoo xeerinaya maslaxda ay ummaddu ku qabaan masjidka,” ayuu yiri Sheekh Suldaan Gasle.

Somali Nederland TV, iyada oo ilaalineysaa nidaamka dhexdhexaadnimada waxeey la xiriirtay mid ka mid ah ragga masaajidka ku haray ee ay is hayaan Sheekh Suldaan, wuuna ka cudurdaartay inuu wax jawaab ah ka bixiyo hadalka uu soo saaray Sheekh Suldaan Gasle.

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID EE SHEEKH SULDAAN GASLE.

The post Sheekh Suldaan Gasle: Masaajidkii aan aas-aasay ayaa waxaa iga taal warqad la leeyahay ma soo geli karo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this