Sign in to follow this  
Deeq A.

Mukhtaar Roobow oo Xajka u magacaabay guddi cusub iyo 3 qodob oo loo xil-saaray

Recommended Posts

Deeq A.   
Roobow.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali ayaa magacaabay guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda 2024-ka, kaas oo ka kooban 9 xubnood.

Guddigaan ayaa loo magacaabay guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaye, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa xoghayaha guddiga cusub ee adeegga Xajka u magacaabay walaalkiis Ibraahim Roobow Cali.

Seddax qodob ayaa lagu soo koobay waajibaadka guddigaan cusub, kuwaas oo kala ah:

1 – Qabashada araajida tartamayaasha adeeggga Xajka.

2 – Kala saaridda shirkadaha, wakaaladaha iyo xamlooyinka tartamaya, si hufnaan iyo cadaalad ah.

3 – U soo gudbinta warbixinada iyo natiijooyinka tartamayaasha ee xafiiska Wasiirka.

“Mudanayaasha la magacaabay waxay yeela doonaan xuquuq shaqo oo gaar ah, sidaas awgeed, xubnaha guddiga la magacaabay waxaa la farayaa inay ka howlgalaan ka shaqeynta iyo fududeynta howlaha loo igmaday si cadaalad ah,” ayaa lagu yiri warqadda lagu magacaabay 9-kaan xubnood.

Magacaabidda xubnaha guddigaan ayaa sidaan ku dhaqan gashay, wuxuuna Wasiir Mukhtaar Roobow digreetadaan ku sheegay in xulashada xubnahaan uu kala tashaday ku xigeenadiisa wasaaradda.

Hoos ka akhriso digreetada uu Roobow ku magacaabay guddiga:

IMG_5034.jpeg?resize=696%2C884&ssl=1 IMG_5035.jpeg?resize=696%2C866&ssl=1

The post Mukhtaar Roobow oo Xajka u magacaabay guddi cusub iyo 3 qodob oo loo xil-saaray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this