Deeq A. Posted October 11, 2023 QM oo Walaac ka Muujisay Go’doominta Isreal ee Qudus Newyork(Qaran)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa walaac xooggan ka muujiyay ka dib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday in ay go’doomin guud ku soo rogtay marinka Qaza, oo ay ka jartay biyaha iyo korontada, ayna ka hortagtay in la soo geliyo cuntada. Guterres waxa uu sheegay in xaalada bini’aadantinimo ee Qaza ay aad uga sii dari doonto,isaga oo carrabka ku dhuftay in dhawaan ay soo ifbaxday xiisad ka dhalatay dagaal muddo 56 sano ah socday,isagoo sheegay, in aysan jirin xal siyaasadeed oo hor leh,sida uu hadalka u dhigay. L Guterres ayaa xasuusiyay Israa’iil in howlgalladeeda millatari ay tahay in si buuxda loo ixtiraamo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada ay khuseyso in ay u oggolaadaan Qaramada Midoobay in ay sii waddo dadaalkeeda ku aaddan xaqiijinta gargaarka si ay uga jawaabto baahiyaha Marinka. Dhankiisa, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa Isniintii ugu baaqay Qaramada Midoobay inay soo farageliso joojinta gardarrada Israel ee marinka Gaza. Isagoo taleefoon kula xidhiidhay Guterres, Cabbaas ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in gargaar iyo agab caafimaad la gaadhsiiyo dadka Gaza, iyo sida ay lagama maarmaan u tahay faragelinta Qaramada Midoobay si looga hortago musiibo bini’aadantinimo oo ka dhacda marinka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites