Deeq A. Posted October 10, 2023 Firdhiye oo Shaaciyay inay ka baxeen Puntland Hargeysa(Qaran news)-Maamulka huwanta Laascaanood ee SSC-Khaatumo ayaa markii u horreysay ku dhawaaqday tallaabo ay ku khilaafsan yihiin Puntland oo doonaysay inay is hoosgeyso Laascaanood. Hoggaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye oo ku sugan Muqdisho, ayaa sheegay in doorashada soo socota ee Soomaaliya aan aanay reer SSC wax ka soo doooran doonin 17ka Xildhibaan ee Puntland laga soo dooran jiray oo qoondada Laascaanoodna ay ku jirtay. Sidoo kale wuxuu Firdhiye Muqdisho ka sheegay inay ka baxeen Punland maadaama oo ay maamul dhisteen, taasina waxa ka soo horjeeda maamulka Garoowe. Tallaabadan ayaa noqonaysa khilaaf huursanaa oo ka dhex qarxay maamulka Garoowe iyo Huwanta Laascaanood, kuwaasi oo ka middaysnaa dagaalka ay kula jiraan Somaliland ee kooxaha ka soo horjeeda Somaliland iskugu habar wacdeen. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites