Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Qoor Qoor, wafdi culus iyo ciidan badan oo gaaray Camaara iyo qorshe culus oo socda

Recommended Posts

Deeq A.   
03606d68-e7f1-424c-8472-719cfe8d9c88.jpe

Camaara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Camaara ee gobolka Mudug oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab, halkaas waxaa ka socda abaabul xoog leh.

Qoor Qoor waxaa safarkaas ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka, Wasiir Al-Cadaala, Senator Saciid Siyaad iyo masuuliyiin kale.

Wafdigaan waxaa wehliyey ciidamo xoog leh oo dowladda federaalka ay ku biirisay dagaalka Al-Shabaab ee ka socda koonfurta gobolka Mudug, ciidankaas ayaa maalmo ka hor ka baxay Muqdisho, waxayna safar dhulka ah ku tageen Camaara oo caawa ay ku hoyanayaan.

Madaxweyne Qoor Qoor oo Camaara warbaahinta kula hadlay ayaa halkaas kaga dhawaaqay inay dardar gelinayaan dagaalka kooxda, isagoo dadka deegaanadaas ku amaanay sida ay ugu diyaarsan yihiin dagaalka kooxda.

Sidoo kale Maxaxweynaha Galmudug ayaa dadka reer Camaara ku amaanay sida ay isku garab taageen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka xoreeeyey kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dhowr toddobaad ka hor isku dayday inay ku disho deegaanka Laas-Gacamey, balse maanta ay joogaan deegaanka Camaara oo 40 KM u jira halkii uu weerarkaasi ka dhacay.

“Dhiiranaan hor leh ayaan ka qaadnay weerarkii doqonimada ahaa, waxay maalintaas isku howleen inay dib noo celiyaan, meeshii ay igu soo weerareen 40KM ayaan maanta u jirnaa, waxay heleen jawaabtii ay naga mudnaayeen, hadana waan sii dhaqaaqi doonaa, si aan u dhameystirno inta yar ee ka hartay xoreynta Galmudug,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaab aysan ku sii jiri karin dagaalkaan, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in laga guuleysa karo muddo aan dheereyn, isagoo balan-qaaday in maalmaha soo socda ay dagaalkii ugu adkaa ku qaadi doonaan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalameysa aagga Shabeelow, Caad iyo deegaano kale oo dhaca koonfurta gobolka Mudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awoodeeda isugu geysay koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay kula dagaalamayaan beelaha Saleebaan, Sacad, Saruur iyo Surre oo sameystay isbaheysi ka dhan ah kooxda.

Hoos ka daawo Qoor Qoor

The post Daawo: Qoor Qoor, wafdi culus iyo ciidan badan oo gaaray Camaara iyo qorshe culus oo socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this