Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Dastuurka iyo Goleyaasha oo Hortagay Guddida joogtada ee Guurtidda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Dastuurka iyo Goleyaasha oo Hortagay Guddida joogtada ee Guurtidda
IMG-20231010-WA0005.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo maanta la kulmay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan wuxuu sheegay inay ummadda warbaahinta qaranka ay si joogto ah uga baraan dastuurka si ay bulshadu u barto una fahmaan xuquuqda iyo waajibaadka dastuurku faray.

Waxa kaloo uu sheegay inay muddo saddex sannadoid ah ay Wasaaradda Waxbarashada ka wada shaqeynayeen sidii manhajka waxbarashada dugsiyada Hoose, Dhexe iyo sare ay loogu dari lahaa barashada dastuurka, wuxuuna tilmaamay in arruntaas dhawaan la fulin doono.

Dhinaca Guddida joogtada ee Golaha Guurtidda ayaa ku ammaantay Wasaaradda Dastuurka siday meel fog u baahisay dastuurka. Waxayna ku booriyeen in la sii wado dedaalka ay wasaaraddu shaqaalaha dawladda ku barayso dastuurka Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this