Sign in to follow this  
Deeq A.

“Hadii 8-da January ay dhici weyso doorasho, Puntland waa burbureysaa” sidaa waxaa yiri…

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-Abgaal-.jpg?fit=2000%2C1441&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee maaliyadda maamul goboleedka Puntland, ahna musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaasi, Xasan Shire Abgaal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashada kusoo socota Puntland.

Musharrax Abgaal oo kamid ah xubnaha ugu cad-cad musharixiinta mucaaradka ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan doorashada, isaga oo fariin u diray Isimada Puntland.

Xasan Shire Abgaal ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay burburi doonto, haddii doorashada lagu qaban waayo xilligeeda oo ah sideeda January ee sanadka 2024-ka.

“Haddii aysan Isimadu aysan xaaladdu inta ay taagan tahay wax ka qaban sideeda January waxa la’isla gaaraa waa dal burburay, dalkuna inuu burburo lama rabo” ayuu yiri Abagaal.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xubnaha kale ee mucaaradka in aan doorashada kaligiis lagu haleyn madaxweyne Deni ee ay qaataan doorkooda, si loo badbaadiyo Puntland.

“Waxaa la rabaa kaliya inaan ka shaqeyno sidii dalka doorasho loo gelin lahaa, 31-da Novermber, haddii uusan madaxweynaha soo magacaabin guddigii xulista baarlamaanka waa la magacaabayaa, ma’aha in sideeda January la gaaro” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa kale oo uu weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, isaga oo sheegay inuu qiyaameynayo Puntland, isla-markaana aan lagu aamini karin doorashada.

“Anigu waxaa qabaaa in Saciid xitaa aan lagu aamini karin guddiga, waayo waad ogtihiin wixii uu Boosaaso la sameeyay” ayuu mar kale yiri Musharrax Xasan Shir Abgaal.

Si kastaba, Deni oo muddo xileedkiisa uga dhiman yahay billooyin dhowr ah ayaa wajahaya culeyskii ugu xooggana, isaga oo muddo ku siman laba bilood ka maqan maamulka.

The post “Hadii 8-da January ay dhici weyso doorasho, Puntland waa burbureysaa” sidaa waxaa yiri… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this