Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI oo ku Hanjabay in umnadda u soo Bandhigi Doonaan Ganacsatada Boobta Hantida Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga WADDANI oo ku Hanjabay in umnadda u soo Bandhigi Doonaan Ganacsatada Boobta Hantida Qaranka

Hargeysa(Qaran news)- Afhayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi ayaa sheegay in ay ummadda u soo bandhigi doonaan ganacsatada sifaha sharci darrada ah u ìibsada hantida ma guurtada ah ee dalka.

Afhayeenku wuxuu ku eedeeyay Xukuumadda inay si boob ah u xaraashayso hantida ummadda, wuxuuna sheegay in haddii ay iibinayso hantida ummadda ay ahayd inay sifo loo tartamo ay ku iibiso guryaha lineka Booluska ee ay xiiga saaka kaga rartay qoysaskii fanyarta ahaa ee deganaa.

Waxa kaloo uu intaas ku daray haddii ganacsatadu joijin waayaan boobka hantuda ummadda ay goob walba cidda qaadatay la wadaagi doonaan shacbiga Somaliland ee ay ka dhex taajireen.

Afhayeen Maxamed Faarax Cabdi wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Muuse Musuq iyo waxqabad la’aan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this