Sign in to follow this  
Deeq A.

Xujo ku horgudban XASAN ‘oo uusan ka boodi karin’

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-Sheekh-Axmed-Madoobe.jpg?fit=2240%

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii usoo deyriyay xubno reer Koonfur Galbeed ah oo waayahan karkarinaayay in doorashada maamulka Koonfur Galbeed ay bilaabato bisha soo aadan ee November.

Xasan Sheekh ayaa u sheegay xubnahaas in doorashada maamulkaas laga wada-hadli doono marka la gaaro bisha November 2024. Inkasta oo kulan kale iskugu dhiman yahay madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka Koonfur Galbeed, hadan waxaa jirta xujo xukun oo Xasan Sheekh dhinac taalla inta aan la gaadhin in doorasho lagu qasbo Lafta-gareen.

Tan waxaa la yiraahda Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe yaa horreeya

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka talinayay maamulka Jubbaland tan iyo markii ay maamul noqdeed. 15-kii May 2013 ayay ergo dooratay Axmed Madoobe kahor inta aan bisha August 2013 aqoonsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa ka hadleyna inta uu jiro magaca Jubbaland, sanadkii 11 ayaa u socda Axmed Madoobe. Sida maamullada kale ee dalka marka laga reebo Puntland muddo xileedka hay’addaha la doortay ee Jubbaland waa afar sano.

Waxay ka dhigan tahay in Axmed Madoobe uu xukunka haysto labo xilli doorasho iyo labo sano oo dheeraad ah. Marka laga hadlayo labada heer dowladeed ee Soomaaliya majiro qof ka xukun dheer Axmed Madoobe maanta.

Hadda waqtigii waa ka dhamaaday, dowladda federaalka ahna ma dhihin Axmed Madoobe doorasho qabo.

Isbarbardhiga Lafta-gareen iyo Axmed Madoobe

Marka la isbarbardhigo Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen haddiiba ay dowladda federaalka Soomaaliya ay cid u direyso doorasho dadka waxay badi qabaan in Axmed Madoobe laga bilaabo ama labadoodaba la wada jiheeyo.

Xal u la’aanta dowladda dhexe ee Axmed Madoobe ayaa caawineysa Lafta-gareen, berrina caawin karta Qoor-Qoor.

Mucaaradka kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxay muujiyeen cadaadiskii ugu sareeyay ee xukun lagu raadin jiray, laakiin madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza iyaga oo aan wax xal ah u hayn hoggaamiyaha muddada fog ku fadhiya ee Jubbaland waa adag tahay in go’aan deg deg ah ka gaaran Koonfur Galbeed.

Labada hoggaamiye waqtigii waa ka dhamaaday waxay ku darsadeen waqti dheeri ah, laakiin mid kamid ah ayaa muddo dheer ku fadhiya kursiga, waxaana xalkiisa looga fadhiya dowladda dhexe, iyada oo weliba si gaar ah ay isku dhari u yihiin ra’iisul wasaaraha hadda jooga Xamza Cabdi Barre.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen wuxuu haystaa difaac uu waqtiga abuuray. Villa Somalia waxay aaminsan tahay in dhamaan maamullada ay doorasho gali doonaan bisha November 2024, taas oo iyaduna ku xirnaan doonta sida uu xaalku yahay maalinkaas.

The post Xujo ku horgudban XASAN ‘oo uusan ka boodi karin’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this