Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Taliyaha ciidanka dhulka oo tegay degaan lagu go’doomiyay Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1696934655246.jpg?fit=1080%2C608&

Mahadaay (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay deegaanka Ciid Ciida oo uu in muddo ah ka socdo howlgal culus oo lagu soo afjarayo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu go’doomiyay halkaasi.

Taliyaha ayuaa dhiiragelin ugu tegay ciidamada ku kumaandooska ilaalo qaran ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka wada inta u dhexeysa deegaanada Ciid-ciidka iyo Califooldheere oo dhaca duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ugu horreyn taliyaha ciidankada dhulka ayaa warbixin guud ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ku sugan aagggaas, kuwaas oo ka hadlay xaaladda guud.

Dayax ayaa isna khudbad u jeediyay ciidamada ku sugan aaggaas, isaga oo ku bogaadiyay sida ay waajibkoodii  uga guteen xubnaha Al-Shabaab ee soo galay deegaanadaasi, kuwaas oo markii dambe lagu qaado weerar dhulka iyo cirka ah oo khasaare weyn lagu gaarsiiyay.

Sidoo kale waxa xusay i nay tahay waxa ay ku mudanyihiin bogaadin iyo amaan gooni ah, talllaabada ay qaadeen iyo jawaabta ay ka bixiyeen isku daygii kooxda Al-Shabaab..

Waxaa kale oo kula dar daarmay ina y sii laba jibaaran halgankooda iyo dagaalka ay kula jiraan Shabaab, si looga hortago inay mar kale kusoo laabtaan goobaha la xoreeyay.

Maalmihii u dambeeyay taliska guud ee ciidamada Xoogga dalka ayaa waday kormeeer guud oo ay ku bixinayaan furimaha hore ee dagaalka, si ay u dhiirageliyaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee howlgallada ka wada dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka & kuwa loo yaqaano Macawiisleyda.

FB_IMG_1696934655246.jpg?resize=696%2C39 FB_IMG_1696934658144.jpg?resize=696%2C39 FB_IMG_1696934660898.jpg?resize=696%2C39

The post Sawirro: Taliyaha ciidanka dhulka oo tegay degaan lagu go’doomiyay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this