Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Shirweynaha Mucaaradka Puntland oo saaka furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1696917428597.jpg?resize=720%2C54

Shirweynaha mucaaradka Puntland ayaa lagu wadaa in uu saaka ka furmo beerta ARLO oo ka yara baxsan caasimadda Garoowe.

Shirweynaha ayaa sida wararku sheegayaan ku saabsan maaraynta marxaladda hubanti la’aanta ah ee ka taagan, gaar ahaanna arrimaha doorashada 2024.

Mucaaradka Puntland ayaa la filaya in ay Shirka ka soo saaraan go’aan midaysan oo ku wajahan marxaladda taagan, si Puntland looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Shirkaan ayaa imaanaya, iyadoo mudda xileedka madaxweyne Deni ay ka harsan yihiin bilo kooban, islamarkaana lagu eedaynayo in uu mudda kororsi raadinayo.

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Shirweynaha Mucaaradka Puntland oo saaka furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this