Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee duqaymaha Israa’iil ka waddo Marinka GAZA

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-31c2-08dbc8e297cc_cx0

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay gebi ahaanba go’doominayso Marinka Gaza, taasoo la micno ah in ay ka jarayso cunnada, biyaha iyo korontada.

In ka badan 700 oo rayid ah oo ay ku jiraan 140-caruur ah ayay Israa’iil ku dishay duqaymaha ka socda Marinka Gaza ee go’doonsan.

Duqeymaha israa’iil ee Gaza ayaa socday 24 saacadood oo aan kala joogsi lahayn, sida ay warbaahinta Al-jazeera ka soo xigatay dadka degaanka

Gaza waxa ku nool ilaa 2 milyan oo shacabka reer Falastiin ah kuwaas oo hadda wajahaya xasuuq ka baxsan bini’aadanimada sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Xamaas.

Dagaalka u dhaxeeyay Falastiiniyiinta iyo Israa’iil oo bilowday maalintii Sabtida ee la soo dhaaafay ayaa sababay khasaare baaxad weyn oo labada dhinac ah.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee duqaymaha Israa’iil ka waddo Marinka GAZA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this