Deeq A. Posted October 10, 2023 Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo in ku dhow laba bilood ku maqnaa safar dibadda ah ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe. Madaxweyne Siciid Deni ayaa safarkiisa ku soo maray dalalka Imaaraatiga Carbeed, Kenya iyo Itoobiya oo uu hadda ka soo kicitimay, sida laga soo xigtay xubno ka agdhow. Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale sida wararku sheegayaan waxa uu amray in caasimadda Garoowe la keeno cutubyo, si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidanka PMPF. Wararka ayaa intaas ku daraya in Siciid Deni uu ciidanka u dalbaday, si uu cadaadis ugu saaro siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku shirsan bannaanka Garoowe. Mucaaradka Puntland ayaa ka shiraya maaraynta marxaladda hubanti la’aanta ah ee ka taagan Puntland, si looga badbaado qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. PUNTLAND POST The post Maxay yihiin ciidamada lagu daabulayo magaalada Garoowe? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites