Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyadda ganacsatada iibsatay dhulka danta guud ee Hargeysa oo la shaacinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in ay soo bandhiggi doonaan ganacsatada iibsatay dhulka danta guud ee Hargeysa oo aad u badan.

Afhayeenka Waddani Maxamed Faarax, ayaa sheegay in xisbi ahaan haddii ay talada ku guullaystaan aanay ganacsatadaasi u ogolaan doonin dhulkaasi maadama oo ay iibsadeen xilli kala guur ah, si daahfurana aanay u iibsan.

Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in maalmo dhaw uu shaacin doono magacyada ganacsatada dhulka danta guud ka iibsanaya xukuumadda madaxweyne Biixi.

Xukuumadda madaxweyne Biixi, ayaa lagu eedaynayaa in ay iibisay dhul danguud ah oo aad u badan kuwaas oo uu ugu dambeeyay dhulka Laynka Booliska ee Hargeysa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this