Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo kulan deg deg ah ka yeeshay dagaalka Xamas iyo Israel iyo Guterres oo…

Recommended Posts

Deeq A.   
Antonio-Guterres-scaled.jpg?fit=2560%2C1

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah Israa’iil, lana sii daayo dhammaan maxaabiista la qabsaday.

Sidoo kale wuxuu uga digay ciidamada Israa’iil inay qaadaan hawlgallo waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

“Waxaan aqoonsanahay tabashada shacabka reer Falastiin, hase ahaatee qiil looma raadin karo falalka argagixisanimada ah, dilka iyo afduubka dadka rayidka ah” ayuu yidhi Guterres, isaga oo warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee Qaramada Midoobay, kadib kulan deg deg ah oo ay saraakiisha sare ee QM ay ka yeesheen xaaladda soo cusboonaatay.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa intaas ku daray “Waxaan markale ku celinayaa, baaqayga ku aaddan, in si degdeg ah loo joojiyo weerarada isla markaana loo sii daayo maxaabiista.”

Subaxnimadii Sabtidii, waxaa dagaalyahanno ka tirsan kooxda Xamaas ay weerar qorshaysan ku qaadeen Israa’iil, iyaga oo bartilmaameedsaday magaalooyin kala duwan, halkaas oo ay ka soo afduubteen boqollaal qof oo u dhashay dalka Israa’iil oo ay ku jiraan dad ajaanib ah.

Xoghayaha Qarmada Midoobay ayaa si weyn uga xumaaday hadalada ka soo yeedhay xukuumadda Israa’iil ee ku aaddan, inay go’doon gelinayso marinka Gaza, halkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 2 million oo qof.

Israa’iil ayaa sheegtay inay marinka Gaza gelinayso go’doon dhamaystiran, isla markaana ay ogolaan doonin in la geeyo cunto ama shidaal ama inay helaan koronto.

The post QM oo kulan deg deg ah ka yeeshay dagaalka Xamas iyo Israel iyo Guterres oo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this