Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo soo saartay awaamiir cusub oo ku socota…

Recommended Posts

Deeq A.   
1920px-Coat_of_arms_of_Somalia.svg-1.png

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku socota dhamaan nootaayooyinka Muqdisho iyo mulkiilayaasha gaadiidka.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa ku wargelisay qod kasta oo leh baabuur uusan iibin karin, kahor inta uusan soo marsiin habraaca kala wareejinta ee u dagsan wasaaradda gaadiidka iyp duulista hawada.

“Qofna ma yeelan karo noocyada kala gedisan ee gaadiidka sida ku xusan sharciga diiwaan-gelinta gaadiidka, haddii aanu ka diiwaan-gashaneyn wasaaradda gaadiidka si waafaqsan sharcigan,” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday wasaaradda.

Wareegtada kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada oo ujeedkiisu ahaa dhaqan-gelinta habraaca kala wareejinta gaadiidka ayaa waxaa laamaha amniga lagu faray inay ka qeyb qaataan fulinta amarkaan kasoo baxay wasaaradda.

“Baabuurka aan la marin habraaca ee la arko waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxaana masuuliyadda arrintaas ka dhalata qaadaya milkiilaha gaday, isagoo marsiin kala wareejinta sharciga ah ee diiwaanka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.”

Go’aanka wasaaradda ayaa imaanaya xilli maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan la yeelatay masuuliyiinta qaar kamid ah Nootaayooyinka, Wasaaradda Cadaallada iyo hay’addaha amniga iyo weliba ciidanka nabad-gelyada waddooyinka.

Sidoo kale waxaa awaamiirta cusub ee kasoo baxday wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada wax ka og wasaaradda amniga iyo taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida ku cad warqadda kasoo baxday wasaaradda oo uu ku saxiixna wasiiru-dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada.

387734931_787552180078057_13109110973489

The post DF oo soo saartay awaamiir cusub oo ku socota… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this