Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaladda Iibka Xaafada Layn-ka Booliska oo cakiran iyo Amarkii ugu Dambeeyay ee Dawladdu soo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaaladda Iibka Xaafada Laynka Booliska oo cakiran iyo Amarkii ugu Dambeeyay ee Dawladdu soo

Hargeysa (Qaran news)- Xaaladdii iibka xaafada Lineka Booliska ayaa wali cakiran.

Iyadoo labadii qof ee ku dhaawacmayna midi xaaladiisu culus tahay.

Dadka degan xaafadan oo boolis u badan ayaa rasaas iskaga caabiyay ciidankii booliska ee doonayey inay dadka ku wargeliyaan inay ka guuraan xaafadan oo ay degan yihiin ku dhowaad 200 oo qof.

Ma jiro wax war ah oo Xukuumaddu ka soo saartay shaqaaqada lagaga gilgishay rarista dadkan oo la sheegay in loo qoondeeyay in qiyskiiba la siiyo lacag yar oo ah 10 kun oo doolar.

Warku wuxuu intaas ku daray in dawladdu ay ku adkatsatay go’aankeeda ah in lagaga guuro 48 saacadood gudahood. Iyadoo dadka xaafada Laynka Bilayskuna ay ku gacan saydheen amarka rarista.

Ganacsato waaweyn oo aan la shaacin ayaa la sheegay inay Xukuumaddu ka iibisay dhulka ay ku fadhido xaafadda Laynka Boolisku.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this