Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta howl-gal Al-Shabaab looga qabtay gaari saanad u siday

Recommended Posts

Deeq A.   
Sawirka-Shabaabka-weeraray-Afgooye.jpeg?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeraad ah ka soo saartay howl-gal culus oo xalay ka dhacay gobolka Mudug.

Ciidamada deegaanka ee ka howl-galaya Xinlabi oo xalay howl-gal ka fuliyay meel u dhaw deegaanka Dabagalo ayaa ku guulaystay in ay la wareegaan gaari kooxda Al-Shabaab u sida Saanad.

Ciidamadaan oo fuliyay howl-gal dhabbo-gal ah ayaa gaariga kasoo qabtay meel 5 KM u jirta deegaankaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Howl-galkaan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa lagu qabtay gaariga, waxaana sidoo kale ciidamada shacabka hubeysan ay soo qabteen darawalkii gaariga oo isku dayay in uu baxsado.

“Tallaabadaan oo ahayd mid ku cusub Khawaarijta maadaama hawlgalka laga fuliyay gudahooda ayaa ku yimid wada shaqayn dhexmartay Shacabka iyo Wiilashooda geesiyaasha ah,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Ciidamada deegaanka ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay howl-gallada qorsheysan ee ay ka fulinayaan goobaha ay joogaan Shabaabka, taasi oo muujinaysa heerka dhiiranaanta ee geesiyasha deegaanka, iyaga oo ka faa’iidaysanaya wada-shaqaynta kala dhaxaysa shacabka iyo aqoonta ay u leeyihiin dhulka.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howl-gallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah, kuwaasi oo lagu laayay Shabaab badan.

Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa kasii baxaysa inta badan gobolka Mudug, waxaana la aaminsan yahay in haddii ay Mudug kasoo dhamaadan in aanay ku hakan karin Galgaduud oo ay ku go’doomi doonaan.

The post Xogta howl-gal Al-Shabaab looga qabtay gaari saanad u siday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this