Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha isku dhac Hargeysa ku dhex-maray booliska iyo dadweyne careysan

Recommended Posts

Deeq A.   
Hargeysa-scaled.jpg?fit=2560%2C1703&ssl=

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah magaalada Hargeysa qeybo kamid ah ka socda mudahaaradyo ay dhigayaan dadweyne cadheysan, kaasi oo sabab u noqday isku dhexmara boomiska iyo shacabka.

Isku dhaca ciidamada booliska iyo shacabka ayaa yimid kadib markii la sheegay in dhulka Laynka Booliska ee badhtamaha suuqa Hargaysa ay xukuumadu ka iibisay ganacsato, si looga dhiso dabaqyo dhaadheer.

Goobtan la amray in la baneeyo oo ay degan yihiin dad u badan qoysas boolis ah, ayaa diiday in ay ka guuraan halkaasi, iyada oo la sheegay in xukuumadu ay u qorshaysay in loo raro goob kale, islamarkaana la siiyo guryo iyo qadar lacag ah.

Rabshadaha looga soo horjeedo go’aanka xukuumadda oo galay maalintii labaad ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, iyada oo inta la xaqiijiyay ay ku dhaawacmeen ugu yaraan laba qof.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xabsiga loo taxaabay saraakiil boolis ah oo kamid ah dadwaynaha goobta dagan oo amarka lagu baneynayo diiday.

Go’aanka xukuumadda ay ku iibineyso dhulka danta guud ah ayaa sidoo kale waxaa si weyn u cambaareeyay xisbiyada mucaaradka Somaliland.

“Xaaraan ayay noqonaysaa haddii waxaas umadu wada leedahay ee xukuumadda waqtigeedu dhamaaday ay idinka iibiso oo xoolihiina aad ku iibsataan, waa jiriimo weyn oo umadda aad ka gasheen,” ayuu yiri Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis.

Xoghayaha xisbiga Waddani ayaa intaas kusii daray “La iskama hadhi doono, waa wax la iskaga daba iman doono.”

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo isna ka hadlay arrintaan taagan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay amarka xukuumadda ay ku iibineyso dhulkaan.

Waxa uu ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in loo midoobo difaaca Somaliland iyo doorashooyinka, laakiin aysan xilligaan ahayn in xukuumadda ku mashquusho iibka dhulka.

Si kastaba, dhulkaan ayaa sida la sheegay lagu iibinaya lacag badan, maadaama uu ku yaallo meel muhiim ah oo suuqii badhtankiisa ah, taasi oo keentay in dadkii deganaa qaarkood ay dalbadaan in lacagta loo qoondeeyay loo kordhiyay.

The post Khasaaraha isku dhac Hargeysa ku dhex-maray booliska iyo dadweyne careysan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this