Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Uganda oo DF ku garab istaagtay ‘ka mira-dhalinta’ qorshe muddo socday

Recommended Posts

Deeq A.   
386471820_787387796761162_39081751868828

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhex-galka Gobolka John Mulimba.

Labada masuul ayaa waxay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Mudane Saalax ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isaga oo uga mahad-celiyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabad ilaalinta Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah, si meesha looga saaro khatarta ay ku hayaan deganaanshaha gobolka.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhex-galka Gobolka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bulshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdhex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gobolka.

Riyada Soomaaliya ee ku biiritaanka suuqa iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa u muuqata inay rumoobeyso, sida ay kal hore shaacisay dowladda federaalka.

Madaxda xubnaha ka ah ururka EAC ayaa dhawaan ansixiyay warbixintii guddiga qiimeynta codsiga Soomaaliya, kuwaasi oo hore u yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markaas si weyn usoo dhaweysay tallaabadan, oo lagu tilmaamay guul diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo u soo hoyatey dalkeena.

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa horraantii sanadkaan ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan.

Si kastaba, Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

387133261_787387746761167_11672580685674

386422890_787387766761165_73464953194622

387110826_787387786761163_87360644134296

387092999_787387776761164_63825362904887

386471820_787387796761162_39081751868828

387136623_787387756761166_43685472032121

The post Sawirro: Uganda oo DF ku garab istaagtay ‘ka mira-dhalinta’ qorshe muddo socday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this