Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan Sheekh oo kormeeray xeryaha lagu tababarayo ciidamada DF ee dalka Eritrea

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_4899.jpeg?fit=970%2C796&ssl=1

Asmara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday xarumaha lagu tababaro cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Ciidamada uu tababarku uga socdo Erterea ayaa iskugu jira kuwa gaarka ah ee dhulka, badda iyo cirka, waxay ciidanka qaar tababarkaan qaadanayaan in ka badan shan sano.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee xeryaha ciidamada waxaa galabta ku wehliyay madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta dalkaas, Yemane G. Meskel.

Waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Etirrea uga mahadceliyey ‘sida walaalnimada ah oo ay uga qayb qaadatay nabadda Soomaaliya’.

Eritrea ayaa ciidamo kumannaan ah u tababareysa Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood dalkaasi la geeyey wixii ka dambgeeyey bishii December ee sannadkii la soo dhaafay.

Ciidamada qaar, gaar ahaan kuwa cirka iyo badda loo tababarayo waxay Eritrea ku sugan yihiin in ka badan shan sano, waxaana tababarka u dirtay dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hoggaaminta dagaalka Al-Shabaab u joogay Dhuusamareeb muddo laba bilood ah ayaa shalay ka dhoofay Muqdisho, kadib hal habeen oo Dhuusamareeb uu ka soo maqnaa.

Xasan Sheekh ayaa markii uu ka soo laabto Eritrea wuxuu dib ugu laabanayaa Dhuusamareeb, sida ay ogaatay Caasimada Online, wuxuuna halkaas ka bilaabi doonaa dardar gelinta dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab looga xoreynayo dalka.

IMG_4899.jpeg?resize=696%2C571&ssl=1 IMG_4898.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4897.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 IMG_4895.jpeg?resize=408%2C230&ssl=1 IMG_4896.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1

 

The post Sawirro: Xasan Sheekh oo kormeeray xeryaha lagu tababarayo ciidamada DF ee dalka Eritrea appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this